Pogba Oo Sheegay In Aanu Weli Wadahadal La Yeelan Kooxdiisa Xilli Uu Xiiso Ka Helayo Real Madrid

Cayaaryahanka heerka caalami u safta xulka Faransiiska iyo kooxda Manchester United ee Paul Pogba ayaa sheegay inuusan wali wadahadal ku aaddan mustaqbalkiisa la galin kooxda isla markaana uusan wax dalab la taaban karo uusan ka helin iyaga.

Waxaa lagu soo waramayaa in United ay dooneyso inay wadahadalo heshiis kordhin ah la yeelato Pogba maadaama uu galayo sannadkii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa haatan ee Old Trafford.

Si kasta ha ahaatee xiddigan aya si weyn loola xiriirinayay kooxda Real Madrid wakhtiyadii ugu dambeeyay waxaana ku waramay in aanu wax xiriir ah la sameyn kooxda uu haatan ka tirsan yahay tan ilaa dhammaadkii xilli ciyaareedkii 2020-21.

Muxuu Yiri?

Pogba ayaa u sheegay RMC Sport kahor kulanka Faransiiska ee furitaanka Euro 2020 oo ay la cayaarayaan xulka Jarmalka Talaadada: “Hal sano ayaa ii hartay qandaraaskeyga, qof walba waa ogyahay taas. fiinaalkii Europa League, intaa kadib waxaan dhammeysanay fasaxyadii.”

”Ma aanan la hadlin, weli waxaan joogaa Man Utd, fikirka kaliya ee aan mustaqbalka qabo waa Euro-ga. Waxaan leeyahay khibrad yar oo ka badan siddii hore, runtii waxaan doonayaa inaan diiradda saaro waqti xaadirkan, kaan hadda joognana waa Euros. maanta.”

”Waxyaabaha ku saabsan kooxda oo dhan, marka ay jiraan tartamo sidan oo kale ah, waan iska ilaaliyaa. Taasi waa sababta aan u leeyahay wakiil, isaguna wuu daryeelaa waxaas oo dhan. ”

Abdihakim Olad

Read Previous

Arsenal Oo Xiiseeyneeysa Burburiyaha Kooxda Anderlecht

Read Next

Man United Oo Laga Soo Diiday Dalabkii Ay Ka Gudbiyeen Jadon Sancho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?