Manchester City Iskama Iibineyso Gundogan Xilli Xiiso Uu Ka Helayo Barcelona

Cayaaryahanka heerka caalami ee dalka Jarmalka ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Camp Nou laakiin weli labo sano ayaa uga harsan qandaraaskiisa kooxda Manchester City.

Manchester City ayaan qorsheyneynin inay iska iibiso Ilkay Gundogan xagaagan, waxaana ay ku fikirayaan inay sii heystaan maadaama uu weli qandaraas kula jiro, sida ay xaqiijisay Goal.com

Cayaaryahanka heerka caalami ee dalka Jarmalka ayaa xilli cayaareedkii ku dhammeystay isagoo ah gooldhaliyaha ugu sarreeya kooxda, ayaa labo sano uga hartay qandaraaskiisa iyadoo aan la qorsheynin wax wadahadal heshiis kordhin ah.

Barcelona oo horeyba ula soo saxiixatay Sergio Aguero iyo Eric Garcia oo ay beeca xorta ah xagaagan ugala soo wareegeen City, ayaa lala xiriirinayay inay u dhaqaaqi doonaan Gundogan.

Gundogan wuxuu ahaa saxiixii ugu horreeyay ee Pep Guardiola ee kooxda wuxuuna door muhiim ah ka cayaaray kooxdiisii hanatay Horyaalka Premier League-ga xilli-cayaareedkii dhowaa isagoo sidoo kale gacan ka geystay usoo bixitaankoodii fiinaalkii Champions League oo inay hantaan Chelsea ay ka horjoogsatay.

Abdihakim Olad

Read Previous

DEG-DEG: Juventus Oo Qorsheyneysa Inay Dalab Rasmi Ah Ka Gudbiso Harry Kane

Read Next

RASMI: AC Milan Oo Heshiis La Gaartay Kooxda Chelsea Si Ay Ulasoo Saxiixato Olivier Giroud

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?