Macalinkii Hore Ee Liverpool Oo Ku Biiraya Koox Ay Xafiiltamaan Kooxdiisii Hore

Tababarihii hore ee Liverpool Rafael Benitez ayaa si xooggan ugu tartamaya inuu Carlo Ancelotti ka beddelo shaqada tababarenimo ee kooxda Everton, Daily Mirror iyaa ku waramaysa.

Maadaama xiisihii kooxda Merseyside-ka dhisan ay u qabeen tababarihii hore ee Wolves Nuno Espirito Santo uu yaraaday, milkiilaha aqlabiyadda ee Farhad Moshiri ayaa sida muuqata qorsheynaya inuu la hadlo Benitez oo 61 jir ah.

Tababaraha reer Spain ayaa ahaa tababaraha Liverpool intii u dhaxeysay 2004-10, isagoo kula guuleystay Champions League 2005. Wuxuu 18 bilood maamulayay naadiga Chinese Super League ka dhisan ee Dalian Professional kahor inta uusan kaga soo tagin is afgarad wadaag bishii Janaayo.

Tababarayaasha kale ee Everton ay tixgelineyso waxaa kamid ah tababaraha Brighton & Hove Albion Graham Potter, tababarihii hore ee Lille Christophe Galtier iyo tababarihii hore ee Toffees Roberto Martinez.

Abdihakim Olad

Read Previous

Messi Miyuu U Dhaqaaqayaa Horyaalka MLS-ka Mareykanka? – Milkiilaha Inter Miami Ayaa Ka Jawaabaya.

Read Next

SUUQA: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Maanta|10-Juun-2021 |

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?