DEG-DEG: Juventus Oo Qorsheyneysa Inay Dalab Rasmi Ah Ka Gudbiso Harry Kane

Kooxda Juventus ee ka dhisan Serie A-da dalka Talyaaniga ayaa baadi goob ugu jirta weeraryahan awood leh waxayna isha ku hayaan kabtanka xulka Ingiriiska.


Sida laga soo xigtay Calciomercato kooxda Juventus ayaa xiiseeyneeysa weeraryahanka kooxda Tottenham Hotspur ee Harry Kane.


Tababaraha dhowaan la magacaabay ee kooxda Juve ee Massimiliano Allegri ayaa doonaya inuu lasoo saxiixdo weeraryahan xagaagan, halka Kane uu u sheegay Spurs inuu doonayo inuu baxo si uu isugu dayo inuu koobab ugu guuleysto meelo kale.

Haatanna, Juve ayaa lagu soo waramayaa inay dalab horudhac ah u dirtay kooxda Tottenham iyagoo qorsheynaya inay goordhow dalab rasmi ah ka gudbiyaan xiddigan oo sidoo xiiso ka helaya kooxaha Manchester City Iyo Chelsea.

Harry Kane ayaa la filayaa inuu suuqan kala-iibsiga uu ka dhaqaaqo kooxdiisa Spurs balse kooxaha xiiseeynaya ayay mushaharkiisa iyo weydiisashadiisa ku adkaan doontaa in ay gaaraan.

Abdihakim Olad

Read Previous

RASMI: Kooxda PSG Oo Heshiis La Gaartay Giorginio Wijnaldum

Read Next

Manchester City Iskama Iibineyso Gundogan Xilli Xiiso Uu Ka Helayo Barcelona

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?