Harrry Maguire Oo Kusoo Laabtay Tababarka Xulka Ingiriiska Kahor Bilaabashada Tartanka Qaramada Yurub

Harry Maguire ayaa ku soo laabtay tababarka xulka kubbada-cagta ee Ingiriiska maanta kahor kulankooda furitaanka ee Euro 2020 oo ay la ciyaarayaan Croatia dhammaadka todobaadkan.

Dhammaan 26ka xubnood ee kooxda macalin Gareth Southgate ayaa kaqeyb qaatay aalmiintadii St George’s Park iyadoo diyaar garowga kulanka axadda ee Wembley uu weli socdo.

Maguire ayaa garoomada ka maqnaa tan iyo 9-kii bishii May, markaas oo uu dhaawac kasoo gaaray jilibka canqowga intii lagu jiray kulankii Manchester United ay 3-1 kaga badisay Aston Villa ee Premier League.

Daafacan dhexe ayaa seegay afartii kulan ee ugu danbeysay ee United ee xilli ciyaareedkii dhowaa, markii ay gurigooda guuldarro kaga soo gaartay Leicester City iyo Liverpool, barbarrihii ay la galeen Fulham, iyo guushii ay ka gaareen Wolves.

Waxa uu sidoo kale ka maqnaa finalkii Europa League ee ay la ciyaareen Villarreal, oo kooxda LaLiga ay ku badisay rigoorayaal kaddib barbarro goolal la’aan 0-0 ah.

Abdihakim Olad

Read Previous

Spain Oo War Farxad Leh Heshay Kaddib Markii Llorente Laga Waayay Covid-19 Xilli Busquets Uu Weli Karantiilanyahay

Read Next

EURO 2020: 25ka Cayaaryahan Ee Ugu Sarreeya Oo Ay Tahay In La Daawado – Qeybta 1aad

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?