EURO 2020: 25ka Cayaaryahan Ee Ugu Sarreeya Oo Ay Tahay In La Daawado – Qeybta 1aad

Waxay ahayd waqti dheer balse Euro 2020 (sannadka 2021!) Ugu dambayntii waa la cayaarayaa.

Iyadoo taas maskaxda lagu hayo, yaa noqon doona cayaartoyda ugu fiican oo ay tahay in si gaar ah loo daawado inta lagu gudajiro Tartanka Qaramada Yurub?

Garsoore Sports wuxuu kuusoo ururiyey 25-ka cayaartoy oo ay tahay inaad isha ku hayso marka la cayaarayo mid kamid ah munaasabadaha heerka caalami ee ugu xamaasadda badan caalamka.

25. Ilkay Gundogan | Germany

Gundogan ayaa aadaya Euro 2020 isagoo ku raaxeeystya xilli-cayaareedkii ugu fiicnaa waayihiisa-cayaareed. Dabcan, wuxuu ahaa cayaaryahanka ugu fiican horyaalka Premier League-ga Ingiriiska waqti kamid ah bartamihii ololaha.

Wuxuu ugu deeqay kooxdiisa Manchester City door weerar oo lagu farxay, wuxuu lasoo laabtay goolal aad u heersarreeya.

Khadkan-dhexe ee dhammeystiran wuxuu haatan macalinka xulka Qaranka Jarmalka ee Joachim Low u diray fikir dheer oo ku aaddan booskiisa ugu fiican.

24. David Alaba | Austria

Qeyb kamid ah waayo-cayaareedkiisa ayaa soo dhammaanaya xagaagan marka uu ka tago kooxda Bayern Munich kuna biiro kooxda Real Madrid oo uu heshiis la gaaray kaddib in ka badan 400 oo kulan oo uu u saftay kooxda Bavarians.

Mid kamid ah caqabadaha uu wajahayo waa inuu xulkiisa Austria ku hoggaamiyaa Euro 2020 xagaagan.

Waxaa lagu yaqaanaa inuu Bayern ay u adeegsato dambeedka-dhexe ama dambeedka-biddix laakiin wuxuu u ciyaaraa xulkiisa garabka biddix ee weerarka isagoo hore ugu soo ciyaaray khadka dhexe ee weerarka.

23. Marco Verratti | Italy

Waxaa lagu naaneysaa ‘Gufetto’, oo ah eray Talyaani ah oo macnaheedu yahay guumays, waxay u muuqataa mararka qaarkood in Verratti uu indho ku leeyahay dhinaca dambe ee madaxiisa sababo la xiriira awooddiisa dhifka ah ee kubbad-haysashada marka uu ku suganyaha meelo ciriiri ah iyo awooddiisa muuqata ee uu baaska ula helayo asxaabtiisa.

Waa Isku xiraha daafaca iyo khadka dhexe, xiddiga Paris Saint-Germain ma’ahan nooca cayaaryahan ee caawiya ama dhaliya goolal badan, laakiin wuxuu muhiim u yahay jaanta iyo luuqda cayaarta.

Dabeecaddiisa ololaysa ayaase u nugul kaararka garsooraha.

22. Phil Foden | England

Waxaa jiray guux ku saabsan 21-sano jirka kooxda Manchester City ee Phil Foden in muddo ah, xitaa jahwareer ah in Pep Guardiola uusan si joogta ah ugu deg degin isticmaalka da’yarka Manchester City .

Taas ayaa dhammaan isbeddeshay xilli ciyaareedkii dhowaa, kaddib markii fursadihiisii uu kaga faa’ideeystay qaab ciyaareedyo cajiib ah oo uu ka qaatay doorka weerarka ee Cityzens taas oo ka dhigtay wax aan macquul aheyn in la iska indhatiro.

Wuxuu leeyahay farsamo aan caadi aheyn, waa hubaal inuu yahay ciyaaryahan bandhiggiisa wanaagsan sii joogteeya tobanka sano ee soo socota – iyo sidoo kale haatan oo ay tahay in il gaar ah lagu hayo.

21. Matthijs de Ligt | Netherlands

De Ligt ayaa kamid ahaa xiddigihii wanaagsanaa markii ay kooxda Ajax si lama filaan ah ugu soo baxday semi-finalka Champions League sannadkii 2019, iyadoo daafacan-dhexe uu si gaar ah u hoggaamiyay kooxdiisii markaas inay guullo ka gaaraan kooxaha Real Madrid iyo Juventus.

Intaa kaddib, wuxuu lacag qaali ah ugu dhaqaaqay kooxda Juventus, halkaas oo uu si tartiib tartiib ah u bilaabay inuu ka mid noqdo daafacyada ugu caansan Serie A-da Talyaaniga.

Ku guuleystaha Wiilka Dahabiga ah ee 2018 ayaa ah mid kamid ah daafacyada-dhexe ee dhammeystiran casrigan, wuxuuna leeyahay muuqaal jireed, awooddiisa kubbadaha hawada ku jira iyo farsamo yaab leh, oo uu helay xiliyadiisii hore markii uu cayaari jiray khadka-dhexe ee weerarka.

Qeybta 2aad Halkan Ka Aqriso

Abdihakim Olad

Read Previous

Harrry Maguire Oo Kusoo Laabtay Tababarka Xulka Ingiriiska Kahor Bilaabashada Tartanka Qaramada Yurub

Read Next

RASMI: Kooxda PSG Oo Heshiis La Gaartay Giorginio Wijnaldum

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?