Arsenal Oo Xiiseeyneeysa Burburiyaha Kooxda Anderlecht

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Anderlecht ee dalka Belgium Albert Sambi Lokonga ayaa xiiso ka helaya kooxda kubbada-cagta Arsenal – sida laga soo xigtay Sudinfo.

Gunners ayaa miisaameysa inay suuqan xagaaga u dhaqaaqaan 21 jirkan, laakiin waxa ay tartan kala kulmi karaan kooxaha Monaco, Sevilla iyo Bayer Leverkusen iyagan xiiseeynaya.

Anderlecht ayaa durbaba diyaarsatay beddelka Lokonga maadaama ay ku fikireyso inay iska fasaxdo xiddigan lagu iibin karo adduun lacageed gaaraya 20 milyan oo yuuro.

Lokonga waxaa loo tixgeliyaa mid leh qaab-ciyaareed la mid ah midka xiddiga kooxda Arsenal ee Thomas Partey, sidaas darteed wuxuu u noqon karaa beddel waxtar kooxda tababare Mikel Arteta.

Gunners ayaa sidoo kale raadineysa cayaaryahanka khadka dhexe ee Wolves Ruben Neves, sida laga soo xigtay The Athletic, laakiin Lokonga ayaa sidoo kale mudan inuu eego.

Abdihakim Olad

Read Previous

Coutinho Oo Xiiso Ka Helaya Marseille

Read Next

Pogba Oo Sheegay In Aanu Weli Wadahadal La Yeelan Kooxdiisa Xilli Uu Xiiso Ka Helayo Real Madrid

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?