Wolves Oo Magacaawday Beddelka Nuno-Esperito Santo

Kooxda kubbada-cagta Wolverhampton Wonderers ee loo garan ogyahay magaca Wolves ayaa u magacawday tababarihii hore ee kooxda Benfica Bruno Lage tababarahooda cusub.

Lage, ayaa beddel u noqonaya tababare Nuno Espirito Santo oo wax yar kaddib dhammaadkii xilli-cayaareedkii dhowaa ka tegay garoonka Molineux.

Tababaraha cusub ee Wolves ayaa shaqo la’aan ahaa tan iyo markii laga ceyriyay shaqada kooxda Benfica bishii Juun 2020.

Wuxuu la middoobi doonaa cayaartooydiisa cusub bisha soo socoto si ay isagu diyaariyaan xilli-cayaareedka 2021-2022 oo billaabmaya 14 bisha ogoosto.

Abdihakim Olad

Read Previous

Spain & Sweden Oo Walwal Ka Qaba COVID Kaddib Markii Laga Helay Qaar Kamid Ah Xiddigahooda

Read Next

France Oo War Farxad Leh Ka Heshay Dhaawaca Karim Benzema

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?