Spain & Sweden Oo Walwal Ka Qaba COVID Kaddib Markii Laga Helay Qaar Kamid Ah Xiddigahooda

Xulalka Kubbada-cagta ee Spain iyo Sweden ayaa walwal ka qaba COVID sababo la xiriira in cudurka laga helay qaar kamid ah cayaartooydooda.

Diego Llorente ayaa noqday ciyaaryahankii labaad ee Isbaanish ah ee laga helo cudurja Covid-19 maalmihii lasoo dhaafay iyadoo billowga Euro 2020 uu soo dhowaanayo, halka kooxda kasoo horjeeda oo ay kulankooda Furitaanka la yeelanayaan ee Sweden uu iyagana ka maqnaanayo garab-weerarka Dejan Kulusevski sababo lamid Llorente.

Xiriirka kubbada-cagta Spain (RFEF) ayaa xaqiijiyay natiijada baaritaankii daafaca Leeds United Diego Llorente, labo maalmood kaddib markii burburiyaha kooxda Barcelona ee Busquets isna laga helay cudurka kahor kulanka ugu horreeya Spain ee Tartanka Qaramada Yurub maalinta Isniinta ah.

Xiriirka kubbada-cagta Sweden ayaa dhanka kale xaqiijiyay in weeraryahanka Juventus Kulusevski lagu soo warramay inuu qabay astaamo qunfac ah Talaadadii waxaana si dhakhso ah looga tijaabiyay Covid-19, iyadoo natiijadii soo laabatay aysan wanaagsaneyn isla markaana ciyaaryahanka uu galay is go’doomin iskiis ah.

Xiriirka FA-ga Sweden ayaa xaqiijiyay in talaadadii xulka qarankooda ay u safreen magaalada Göteborg qeybtii ugu dambeysay ee tababarka kahor Euro, hase yeeshee, Kulusevski wuxuu kusii nagaaday Stockholm.

Kiis ka horreeyay kan Kulusevski ayaa jiray iyadoo daafaca kooxda Bologna ee Mattias Svanberg uu horrey ugu jiray Karantiilka Covid 19.

Abdihakim Olad

Read Previous

Maitland-Niles: ”Iisheega Inaan Qorshaha Ku Jiro Ama Waan Idiinka Tegayaa”

Read Next

Wolves Oo Magacaawday Beddelka Nuno-Esperito Santo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?