Maitland-Niles: ”Iisheega Inaan Qorshaha Ku Jiro Ama Waan Idiinka Tegayaa”

Dambeedka-middig/khadka-dhexe ee kooxda Arsenal Ainslay Maitland-niles ayaa shaaca ka qaaday inuu ku farxi lahaa haddii loo sheego inuu qorshaha kooxda qeyb ka ahay ama la yiraahdo koox kale raadso.

23 jirkaan ayaa dhowaan dhammeystay amaahdii uu ku ololihii tegay ku qaatay kooxda West Brom mana garanayo inuu kasoo muuqan doono qorshaha Mikel Arteta ee xilli ciyaareedka 2021-22.

Ainsley Maitland-Niles ayaa carabka ku adkeeyay inuu diyaar u yahay inuu “Macsalaameeyo Arsenal” haddii aan lasiinin balanqaad ku saabsan waqtiga cayaareedkiisa.

Xiddigan ayaa kasoo dhex muuqday safka dhalinyarada garoonka Emirates kahor inta uusan usoo qalin jabin kooxda waa weyn sannadkii 2014, waxaana tan iyo markaas uu Gunners kasoo muuqday 121 kulan.

Si kastaba ha noqotee, go’aanka waxaa la qaatay in 23 jirkaan amaah loogu diro West Brom qeybtii labaad ee xilli cayaareedkii 2020-21 kaddib markii uu boos ka waayay shaxda macalin Mikel Arteta, waxaana uu haatan u furan yahay inuu tago saldhig joogto ah.

Manchester United ayaa ka mid ah kooxaha lala xiriirinayo xiddigan reer England muddooyinkii u dambeeyay, halka sidoo kale laga yaabo inuu u dhaqaaqo kooxo dibadda ah.

Maitland-Niles ayaa wali labo sano uga hartay qandaraaskiisa Emirates, laakiin waxaa lagu soo waramayaa in Arsenal ay u ogolaan karto inuu baxo haddii ay helaan dalab gaaraya 20 milyan o yuuro oo u dhiganta ($28 Milyan) xagaagan.

Sidoo kale waxaa jiri kara fursad uu Maitland-Niles kusii joogi karo Emirates, iyadoo lagu soo waramayo in Real Betis ay wadahadallo la yeelatay Arsenal oo ku aadan saxiixa Hector Bellerin.

Abdihakim Olad

Read Previous

Chelsea Oo Dalab Ka Gudbisay Hakimi Iyo 2 Kamid Ah Daafacooda Oo Ay Qeyb Uga Dhigeyso Heshiiska

Read Next

Spain & Sweden Oo Walwal Ka Qaba COVID Kaddib Markii Laga Helay Qaar Kamid Ah Xiddigahooda

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?