Hakim Ziyech Oo Lala Xiriirinayo Inuu Ka Tago Blues Xilli Uu Burburay Xiriirkii Uu La Lahaa Thomas Tuchel

Kooxda kubbada-cagta ee Chelsea ayaa diyaar u ah inay iibiso cayaaryahan Hakim Ziyech sababo la xiriira inuu burburay xiriirkii ciyaaryahanka uu la lahaa macalin Thomas Tuchel.

Ziyech ayaa kaliya yimid kooxda xagaagii lasoo dhaafay. Intii lagu guda jiray xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee Stamford Bridge Ziyech wuxuu soo bandhigay bandhigyi tayo leh wuxuuna sidoo kale dhaliyay goolkii guusha ee Chelsea ee semi-finalka FA Cup-ka kaga badisay Manchester City.

Si kastaba ha noqotee, labadoodaba Frank Lampard iyo Tuchel wuxuu ku jiray mugdiga kooxda iyadoo inbadan oo kamid ah 39 kulan uu kasoo muuqday kursiga keydka.

Sida laga soo xigtay Gazzetta dello Sport (iyada oo loo marayo Sport Witness), Ziyech waxaa laga yaabaa in uusan Chelsea joogi doonin waqti dheer.

Waxaa la sheegay in xiriirka 28 jirkan iyo Tuchel uu gebi ahaanba burburay. Sababtaas darteed kooxda ayaa la sheegayaa inay dooneyso inay iibiso weeraryahankan, Milan ayaana xiiseyneysa inay hesho saxiixiisa.

Inkastoo xiisaha Milan ay u badan tahay inuu yahay mid dhab ah, haddana fursadaha ay kula wareegi karaan waa kuwo fog. Xitaa haddii uu jiro khilaaf u dhexeeya Tuchel iyo Ziyech, Waxaa su’aal ka taagan tahay sida ay Milan u dabooli laheyd mushaharka culus ee Ziyech iyo lacagta kala iibsiga inkastoo ay haatan kusoo laabteen haddana waxay waqti dheer ku bixiyeen meel ka baxsan Champions League.

Abdihakim Olad

Read Previous

Benzema Oo Dhaawac Looga Saaray Kulankii Bulgaria & Halis Laga Qabo In Xulka Laga Reebo

Read Next

Chelsea Oo Dalab Ka Gudbisay Hakimi Iyo 2 Kamid Ah Daafacooda Oo Ay Qeyb Uga Dhigeyso Heshiiska

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?