France Oo War Farxad Leh Ka Heshay Dhaawaca Karim Benzema

Xiddiga kooxda Real Madrid ayaa dib loogu yeeray xulka qarankiisa kaddib lix sano oo uu ka maqnaa, waxaana uu diyaar u yahay inuu ka ciyaaro door muhiim marka ay u tartamayaan Tartanka Qaramada Yurub.

Weeraryahanka xulka kubbada-cagta Faransiiska ee Karim Benzema ayaa garoonka ka baxay isagoo dhutinaya kulankii xalay ee saaxiibtinimo ee Bulgaria, si kastaba Didier Deschamps ayaa ku adkeysanaya in dhaawaca uusan ahayn “wax sidaas u weyn”.

Waxay ahayd mid welwel ku haysay Faransiiska markii 33 jirkan laga saaray garoonka intii lagu jiray kulankii 3-0 ay kaga badiyeen Bulgaria, laakiin waxay u muuqataa in dhaawaca uusan aheyn mid culus oo uusan Benzema ka reebi doonin kulanka Faransiiska uu Jarmalka la yeelanayo June 15.

Weeraryahankan ayaa soo bandhigay bandhig wanaagsan kulankiisii ugu horreeyay ee uu u safto xulka Faransiiska ku dhowaad lix sano isbuucii hore, inkastoo rigoore laga badbaadiyay kulankaa oo ay la yeesheen xulka Wales.

Abdihakim Olad

Read Previous

Wolves Oo Magacaawday Beddelka Nuno-Esperito Santo

Read Next

Daniel Ek Oo Dalab Cusub U Gudbinaya Milkiilayaasha Arsenal

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?