Daniel Ek Oo Dalab Cusub U Gudbinaya Milkiilayaasha Arsenal

Bilyaneerka reer Sweden ee Daniel Ek ayaa isku diyaarinaya in uu kordhiyo dalabkiisa kooxda Arsenal isaga oo ku dalbanaya in ka badan 2 bilyan oo ginni kaddib markii uu ku guuldareystay dalabkiisii furitaanka ee ahaa 1.8 bilyan bishii hore.

Ek ayaa ku andacooday in milkiilayaasha Gunners ee qoyska Kroenke ay u sheegeen inaysan ‘u baahnayn lacagtaas’ markii uu isku dayay inuu iibsado kooxda markii ugu dambeysay.

Si kastaba ha noqotee, ilo wareedyo ku dhow Daniel Ek ayaa shaaca ka qaaday in dalab labaad oo dhan 2 Bilyan oo ginni la diyaarinayo iyasoo ku adkeysanaya ‘inay ka go’antahay’ inuu la wareego kooxda kubbada-cagta Arsenal oo uu doonayo inuu heshiis la gaaro qoyska Kroenke.

Aasaasaha iyo milkiilaha shirkadda muusikada ee Spotify, Daniel Ek, oo 38 jir ah, ayaa bilaabay xiisahiisa ku aaddan milkiyadda kooxda kaddib burburkii European Super League.

Bilyaneerkan wuxuu heystaa halyeeyada Gunners Thierry Henry, Dennis Bergkamp iyo Patrick Vieira oo qeyb ka ah kooxdiisa iyadoo qorshuhu yahay inay wadaagaan milkiyadda kooxda.

Milkiilaha kooxda ee qoyska Kroenke ee Stan Kroenke, oo 73 jir ah ayaa si buuxda ula wareegay kooxda sannadkii 2018 mana ahan mid ay jecelyihiin taageerayaasha kooxda,

Wiilka Kroenke, Josh, wuxuu agaasime ka yahay naadiga waana shaqsi muhiim u ah hawl maalmeedka.

Ek wuxuu sheegay inuu taageere u ahaa kooxda Arsenal ilaa sideed jirkiisii.

Dalabkan cusub oo kii hore dheer 200 oo milyan oo ginni ayaa lagu tijaabinayaa qoyska Kroenke inkastoo ay ku adkeysanayaan inaanay kooxdu iib ahayn.

Abdihakim Olad

Read Previous

France Oo War Farxad Leh Ka Heshay Dhaawaca Karim Benzema

Read Next

Barcelona Oo Iska Iibineysa Qaar Kamid Ah Xiddigaheeda Si Ay U Hesho Raheem Sterling

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?