Chelsea Oo Dalab Ka Gudbisay Hakimi Iyo 2 Kamid Ah Daafacooda Oo Ay Qeyb Uga Dhigeyso Heshiiska

Tababaraha Chelsea Thomas Tuchel ayaa lagu wadaa inuu galo suuqiisa kala-iibsiga ugu horreeya isagoo ah tababaraha Blues kaddib markii uu naadiga ku hoggaamiyay hanashada Champions League afar bilood uun kaddib markii uu beddelay Frank Lampard.

Kooxda kubbada-cagta ee Chelsea ayaa haatan isku diyaarineysa soo dhoweynta saxiixooda ugu horreeya xagaaga waxaana ay dalab 60 milyan oo yuuro ah ka gudbiyeen dambeedka-middig ee kooxda Inter Milan Achraf Hakimi sida ay warineyso  Gianluca Di Marzio.

Chelsea ayaa laga yaabaa inay sidoo kale soo bandhigto Emerson Palmieri ama Andreas Christensen si ay heshiiska uga dhigaan mid qiimo jaban.

Inter ayay u badan tahay inay ku qasbanaato inay iibiso 22 jirkaan sababo la xiriira xaaladda dhaqaale ee kooxda oo aan degganeyn, waxaana xiddigoodan sidoo kale xiiseeynaya kooxaha PSG iyo Arsenal.

Abdihakim Olad

Read Previous

Hakim Ziyech Oo Lala Xiriirinayo Inuu Ka Tago Blues Xilli Uu Burburay Xiriirkii Uu La Lahaa Thomas Tuchel

Read Next

Maitland-Niles: ”Iisheega Inaan Qorshaha Ku Jiro Ama Waan Idiinka Tegayaa”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?