Benzema Oo Dhaawac Looga Saaray Kulankii Bulgaria & Halis Laga Qabo In Xulka Laga Reebo

Karim Benzema ayaa lagu qasbay inuu baxo intii lagu jiray qeybtii hore ee ciyaartii France ay ka badisay Bulgaria, taasoo dhalisay walaac ku saabsan booskiisa Euros 2020.

Tababaraha xulka France Didier Deschamps ayaa xaqiijiyay in Karim Benzema uusoo gaadhay ‘jug’ taas oo u baahan qiimeyn dheeri ah kaddib markii kooxda heysata koobka adduunka ay soo gabagabeysa isku diyaarintooda Euro 2020.

Benzema ayaa laga saaray qeybtii hore ee kulankii France ay 3-0 kaga badisay Bulgaria, isagoo si xun u dhacay kaddib markii uu u tartamay kubbad madax ahayd kulankii is-diyaarinta Euro-ga.

Iyadoo ciyaartii furitaanka ee France ee Tartanka Qaramada Yurub oo ay Jarmalka yeelanayaan isbuuc ka kaddib dhaawaca Benzema ayaa ka dhigan walwal weyn oo haysta xulka Faransiiska.

Laakiin Deschamps wax yar ayuu ka bixiyay qiimeyntiisa isagoo u sheegay TF1: “Waa jug jilibka ah, oo sidoo kale saameyn ku leh muruqa. Wuxuu dareemay inuu sii adkaanayo sidaas darteed wuxuu codsaday in la beddelo.”

“Shaqaalaha caafimaadka ayaa daryeelaya.” Ayuu raaciyay tababaraha.

Akhbaarta wanaagsan ee France ayaa ah inay heystaan beddelka Karim Benzema waana Olivier Giroud oo hoggaaminayay safka intii lagu gudajiray hanashadoodii Koobka Adduunka ee 2018.

Giroud ayaa dhaliyay goolashiisii 45aad iyo 46aad ee xirfadiisa ciyaareed dhammaadkii qeybtii labaad isagoo u jirsaday keliya gool gooldhaliyaha ugu goolasha badan xulka ee Thierry Henry oo heysta 51 gool – inkastoo Deschamps uusan fileynin inuu wax badan isticmaalo kulanka Bulgaria.

Abdihakim Olad

Read Previous

Isqabqabsi, Fadeexad & Covid Ayaa Shaki Gelinaya Inay Brazil Martigeliso Copa America

Read Next

Hakim Ziyech Oo Lala Xiriirinayo Inuu Ka Tago Blues Xilli Uu Burburay Xiriirkii Uu La Lahaa Thomas Tuchel

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?