Barcelona Oo Iska Iibineysa Qaar Kamid Ah Xiddigaheeda Si Ay U Hesho Raheem Sterling

Kooxda kubbada-cagta ee Barcelona ayaa u aqoonsatay ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Manchester City Raheem Sterling inuu yahay bartilmaameedkooda suuqa kala iibsiga – sida ay qortay SPORT.

Kooxda reer Spain ayaa dooneysa 26 jirkaan inuu noqdo mid kamid ah saxiixyadooda xagaaga, laakiin waxay qiranayaan xaqiiqda ah inay marka hore iibinayaan ciyaartoy si ay lacag ugu helaan heshiiska.

Barca ayaa ku jirta xaalad dhaqaale xilligan, laakiin waxay rajeynayaan inay yareeyaan miisaaniyadda kaga baxa mushaharka cayaartooyda iyagoo qorsheynaya inay iska iibiyaan xiddigaha Philippe Coutinho, Miralem Pjanic iyo Samuel Umtiti.

Xiddigan ayaa sidoo kale xiiso ka helaya kooxda kubbada-cagta ee Arsenal oo dhammaadkii bishii hore idinla wadaagnay in ay isku diyaarineyso inay dalab ka gudbiso 26 jirkan.

Raheem Sterling ayaa qandaraas kula jira City ilaa sannada 2023 laakiin qeybtii ugu danbeysay ee xilli ciyaareedkan, ma uusan cayaarin kulamo badan wuxuuna dhageysan doonaa dalabyada u imanaya.

292 kulan oo uu u ciyaaray City, wuxuu dhaliyay 114 gool wuxuuna dhigay 87 kale, taas oo ka dhigan inuu qeyb ka ahaa 0.69 gool ciyaar kasta.

Abdihakim Olad

Read Previous

Daniel Ek Oo Dalab Cusub U Gudbinaya Milkiilayaasha Arsenal

Read Next

Messi Miyuu U Dhaqaaqayaa Horyaalka MLS-ka Mareykanka? – Milkiilaha Inter Miami Ayaa Ka Jawaabaya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?