Van De Beek Oo Laga Saaray Xulka Holland Ee Tartanka Qaramada Yurub

Cayaaryahanka khadka dhexe ee xulka Netherlands Donny van de Beek oo u safta kooxda Manchester United ayaa dhaawac looga saaray xulkiisa Tartanka Qaramada Yurub ee uu qeybta ka ahaa.

24 jirkan ayaan door firfircoon ka cayaarin kulamadii is-kululeynta ee xulkiisa Netherlands ee Koobka Qaramada Yurub oo ay la cayaareen xulalka Scotland iyo Georgia.

Xiriirka kubbada-cagta ee dalka Holland- KNVB – ayaa maanta ku dhawaaqay in Donny Van de Beek uu seegi doono tartanka Euro-ga, iyadooo tababaraha xulka Frank de Boer uu go’aansaday inuusan u yeerin beddelka xiddigii hore ee kooxda Ajax.

Xiddigan ayaa wajahay xilli-cayaareed adag oo 2020-21 ah oo uu la qaatay United, isagoo kaliya 15 kulan kusoo biloowday kooxda macalin Ole Gunnar Solskjaer.

Abdihakim Olad

Read Previous

‘Lacag Keliya La Imaada’ – Tottenham Oo Jawaab Kulul Siisay Kooxaha Xiiseeynaya Saxiixa Harry Kane

Read Next

Cristiano Ronaldo Oo Taleefanka Kula Xiriiray Man United, Real Madrid & PSG

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?