‘Lacag Keliya La Imaada’ – Tottenham Oo Jawaab Kulul Siisay Kooxaha Xiiseeynaya Saxiixa Harry Kane

Guddoomiyaha kooxda Tottenham Hostspur Daniel Levy ayaa uga digay koox kasta oo xiiseyneysa weeraryahan Harry Kane inuusan taleefanka ka qaban doonin haddii ay soo jeedinayaan in lakala beddesho cayaaryahan.

Levy ayaa ka caga jiidaya inuu ogolaado bixitaanka Kane xagaagan wuxuuna kabtanka England duldhigay qiimo dhan 150 milyan oo ginni – waana lacag ay ku adag tahay inay koox walba bixiao suuqa xagaaga.

Sida la fahmi karo, kooxaha doonaya Kane sida Manchester City, Manchester United iyo Chelsea ayaa dhammaantood qorsheynaya siyaabo dalabaadkooda ay ugu soo daraan cayaartoy sii looga maarmo lacagta faraha badan oo ay Spurs dalbaneyso, laakiin The Sun ayaa sheegeysa in Levy uusan marnaba aqbaleynin dalab kasta oo cayaartooy isdhaafsi ah.

Maadaama uu madaxiisa duldhigay lacag faro badan isagoo sidoo kale haatan ka horjoogsanaya xulashada ah cayaartooy isdhaafsi, Daniel Levy ayaa la aaminsanyahay inuu doonayo inuu ceshto Harry Kane si uu 27 jirkan uga dhabeeyo riyadiisa ah inuu koobab ku guuleysto waxaana uu doonayaa inuu siidaas ku sameeyo kooxda Tottenham.

Abdihakim Olad

Read Previous

Nasser Al-Khelaifi: Dhammaan Cayaartoyda Waa Weyn Waxay Doonayaan Inay Yimaadaan PSG

Read Next

Van De Beek Oo Laga Saaray Xulka Holland Ee Tartanka Qaramada Yurub

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?