Ceballos: ‘Waa Macquul Inaan Real Ka Tago Balse Barca Kuma Biirayo’

Dani Ceballos wuxuu qirtay inay macquul tahay inuu ka tago Real Madrid, laakiin wuxuu ku adkeystay inay doorbidayo inuu sii joogo kooxda, halkii uu Barcelona ku biiri lahaa.

Dani Ceballos ayaa qorsheynaya inuu wadahadal la yeesho Real Madrid oo ku aaddan mustaqbalkiisa, laakiin ku biirista Barcelona waligeed ikhtiyaar uma noqon doonto cayaaryahankan khadka dhexe.

Ceballos ayaa wacdarro dhigay xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee amaahda ee Arsenal laakiin wuxuu awoodi waayey inuu saameyn noocaan oo kale ah ku yeesho ololihii 2020-21.

40 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan, wuxuu bixiyay seddex caawin – laga bilaabo wadar ahaan 41 fursadood oo uu abuuray – laakiin weli wuu ku guuldareystay inuu isagu dhaliyo.

Maadaama Carlo Ancelotti dhowaan loo magacaabay tababaraha cusub ee Madrid, Ceballos wuxuu rajeynayaa in waxwalba ay ka duwanaan doonaan sidii ay ahaayeen xilligii Zinedine Zidane.

Inkastoo uu ku hanweynyahay inuu guulo la gaari Madrid, haddana wuxuu qirtay in mustaqbalkiisa ay koox kale noqon karto.

“Ancelotti imika ayuu yimid, waxaan u baahanahay inaan wadahadalno,” ayuu ku yiri raadiyaha Isbaanishka ee Cadena Ser.

Mar la weydiiyay inuu ka fiirsanayo inuu u dhaqaaqo kooxaha sida Paris Saint-Germain, Juventus ama Barca, Ceballos ayaa ku jawaabay: “Ma aadi doono Barcelona sababtoo ah waxaan ahay cayaaryahan Madrid ah riyadayduna waa inaan ku guuleysto Madrid”

Markii la weydiiyay inuu u dhaqaaqo kooxda Sevilla, wuxuu raaciyay: “Waa koox weyn, laakiin waligey uma cayaari doono Sevilla, gaar ahaan maadaama aan usoo cayaaray Real Betis.”

Abdihakim Olad

Read Previous

Cristiano Ronaldo Oo Taleefanka Kula Xiriiray Man United, Real Madrid & PSG

Read Next

‘AQOONSI BEEN AH’ – Kooxda Stuttgart Oo Shaacisay İn mid Kamid Ah Xiddigaheeda Uu Magac Been Abuur Ah Ku Cayaarayay Iyo Sababta Ku Kaliftay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?