Nasser Al-Khelaifi: Dhammaan Cayaartoyda Waa Weyn Waxay Doonayaan Inay Yimaadaan PSG

Nasser Al-Khelaifi ayaa wax laga waydiiyay Superstar-ka kooxda Barcelona iyo xulka Argentina ee Lionel Messi.

Madaxweynaha Paris Saint-Germain Nasser Al-Khelaifi ayaa yiri “dhammaan cayaartoyda waa weyn waxay doonayaan inay yimaadaan PSG” isagoo ka hadlaya mustaqbalka kabtanka Barcelona Lionel Messi.

Messi ayaa qarka u saaran inuu noqdo wakiil xor ah, iyadoo qandaraaskiisa haatan ee Barca uu si rasmi ah u dhici doono 30ka bishan Juun waxaana lala xiriirinayaa kooxda Ligue 1-ka ka dhisan ee PSG iyo kooxda heysata horyaalka Premier League-ga ee Manchester City.

Madaxweynaha Barca Joan Laporta ayaa si isdaba joog ah ugu adkeysanaya in cayaaryahanka heysta rikoorka lixda jeer ee Ballon d’Or uu doonayo inuu sii dheereysto joogitaankiisa Camp Nou.

Muxuu Yiri Al-Khelaif?

Al-Khelaifi ayaa wax laga weydiiyay arrinta ku saabsan Messi oo ay kooxdiisa PSG baacsanayso.

“Waxa aan dhihi karo ayaa ah in dhammaan cayaartoyda waa weyn ay doonayaan inay yimaadaan PSG,” Al-Khelaifi ayaa u sheegay L’Equipe.

“Suurtagal ma’han in dhammaantood lala soo saxiixdo, maxaa yeelay waxaan heysanaa cayaartooy wanaagsan.”

“Waxaan usheegay [madaxweynaha Barcelona Joan] Laporta in qandaraaska [Lionel Messi] uu dhammaanayo, koox walbana ay xaq u leedahay inay la xaajooto oo ay la saxiixan karto xilli ciyaareedka soo socda.”

Abdihakim Olad

Read Previous

Dortmund Oo €200 Milyan Duldhigtay Erling Haaland

Read Next

‘Lacag Keliya La Imaada’ – Tottenham Oo Jawaab Kulul Siisay Kooxaha Xiiseeynaya Saxiixa Harry Kane

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?