Mareykanka Oo Ku Guulleeystay Koobka Nations League

Xulka kubbada-cagta Mareykanka ayaa guul weyn ka gaaray xulka ay xafiiltamaan ee Mexico cayaartii ugu horreysay abid ee finalka CONCACAF Nations League.

Christian Pulisic ayaa dhaliyay rigoore daqiiqadii 114 ee cayaarta kahor inta uusan goolhayaha Mareykanka Ethan Horvath isna badbaadin rigoore dhammaadkii daqiiqadii 120aad iyadoo xulka Mareykanka ay ku guuleeysteen koobkoodii ugu horreeyay tan iyo sannadkii 2017 markaasoo ay ku guuleeysteen koobkii Gold Cupka.

Inkastoo ay Mexico hoggaanka cayaarta la wareegtay qeybtii 1aad kahor inta aan la barbarreeyn ayay markale qeybta 2aad hoggaanka la wareegtay, xilli da’yarta USMNT ay dib u dagaalameen iyagoo barbarro u raadiyay si ay isu xoojiyaan waqtiga dheeriga ah, markaasoo xiddiga Chelsea Christian Pulisic uu u istaagay inuu ku guuleysto koobkiisii labaad muddo siddeed maalmood gudahood ah halka Horvath uu isu muujiyey inuu yahay halyeey USMNT ah markii uu rigooradii ugu danbeysay badbaadiyay si guul 3:2 ah ay ugusoo gabagaboowdo cayaartii xamaasadda lahayd.

Abdihakim Olad

Read Previous

Man City Oo Tottenham Usoo Bandhigtay Raheem Sterling + Gabriel Jesus Si Ay U Helaan Harry Kane

Read Next

Dortmund Oo €200 Milyan Duldhigtay Erling Haaland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?