Man City Oo Tottenham Usoo Bandhigtay Raheem Sterling + Gabriel Jesus Si Ay U Helaan Harry Kane

Kooxda Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay kooxda Tottenham usoo bandhigtay labadeeda xiddig Raheem Sterling iyo Gabriel Jesus si ay uga beddeshaan weeraryahan Harry Kane.

Weeraryahanka reer England, kaasoo noqday gooldhaliyaha ugu sareeya Premier League xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, ayaa muujiyay rabitaankiisa inuu ka tago kooxda ka dhisan waqooyiga London si uu ugu guuleeysto koobab, kooxda Pep Guardiola ayaana dooneysa inay ka dhigti beddelka Sergio Aguero, kaasoo u saxiixay Barcelona Isniintii.

Sida laga soo xigtay Daily Star, oo soo xiganeysa The Sun, City ayaa go’aansatay inay ku garaacdo Chelsea iyo Manchester United saxiixa Kane, waxaana ay diyaar u yihiin inay Sterling iyo Jesus usoo bandhigaan heshiis isdhaafsi ah iyo lacag kaash ah oo ku aaddan 27 sanno jirkan, kaasoo lagu soo warramayo inuu qiimihiisu gaarayo £ 150 milyan.

Sterling ayaa lumiyay booskiisa safka koowaad ee Guardiola dhammaadka xilli ciyaareedkii hore, sida laga soo xigtay Daily Mail, waxaa laga yaabaa inuu ka tago City iyadoo Arsenal lagu soo waramayo inay xiiseyneyso inay la saxiixato isaga iyo Riyad Mahrez.

Mikel Arteta, oo ahaa kaaliyaha Guardiola ee City kahor inta uusan la wareegin shaqada tababarenimo ee Arsenal, ayaa lagu soo waramayaa inuu xiiseynayo Sterling iyo Mahrez, kaddib markii uu la soo shaqeeyay labadoodaba waqtigiisii Etihad.

Barcelona iyo Real Madrid ayaa lala xiriirinayay muddo dheer Sterling, iyadoo la’aanta Arsenal ee kubbadda cagta Yurub xilli ciyaareedka soo socda laga yaabo inay ka horjoogsato bartilmaameedyadooda suuqa kala iibsiga xagaaga.

Guddoomiyaha kooxda Tottenham Daniel Levy ayaa lagu soo waramayaa in uu ka caga jiidayo in ay kala tagaan xiddigiisa Harry Kane, kooxda ayaana xitaa lala xiriirinayaa tababarahoodii hore ee Mauricio Pochettino kaas oo haatan hoggaaminaya kooxda Paris Saint-Germain iyaga oo doonaya in ay ku beddelaan Jose Mourinho oo markii ugu dambeysay shaqada hayay.

Abdihakim Olad

Read Previous

Cayaartooyda Spain Oo Digniino Ka Helaya Garsoorayaal Khubarro Ah

Read Next

Mareykanka Oo Ku Guulleeystay Koobka Nations League

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?