Dortmund Oo €200 Milyan Duldhigtay Erling Haaland

Borussia Dortmund ayaa lagu soo waramayaa inay kordhisay dalabyadooda iyagoo isku dayaya inay ceshtaan Erling Haaland.

Erling Haaland ayaa ku riyaaqay olole cajiib ah oo u kooxdiisa Borussia Dortmund la qaatay, isagoo ku kasbaday xiisaha kooxaha ugu waaweeyn qaaradda yurub.

Borussia Dortmund ayaa xiddigeeda ku dooneeysay 180 milyan oo Euro markii ugu dambeeysay laakiin haatan tirro intaas dhaafsiisan ayay dalbanaysaa iyadoo isku dayaysa inay sii haystaan weeraryahanka reer Norway ugu yaraan xilli-ciyaareed kale.

Kooxda Jarmalka ayaa dalbaneysa 200 milyan oo Euro si ay isaga iibiso weeraryahan Erling Haaland, sida laga soo xigtay AS.

Haaland waxaa lala xiriirinayay kooxaha Real Madrid, Manchester City, Barcelona, Paris Saint-Germain, Manchester United, Juventus, Liverpool, Chelsea iyo Bayern Munich.

Abdihakim Olad

Read Previous

Mareykanka Oo Ku Guulleeystay Koobka Nations League

Read Next

Nasser Al-Khelaifi: Dhammaan Cayaartoyda Waa Weyn Waxay Doonayaan Inay Yimaadaan PSG

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?