Xavi Oo Shaaca Ka Qaaday Inuu Iska Diiday Shaqada Tababarenimo Ee Barca Markale

Tababaraha kooxda reer Qatar ee Al-Sadd Xavi Hernandez ayaa qirtay inuu diiday fursad uu kula wareegi lahaa kursiga tababarenimo ee kooxda Barcelona

Halyeeygii hore ee khadka dhexe ee kooxda ayaa muddo dheer loo arkayey inuu noqanayo tababaraha mustaqbalka ee Barcelona wuxuuna kamid ahaa shaqsiyaadka sida weyn loo saadaalinayay inuu xagaagan shaqada kala wareego tababare Ronald Koeman, iyadoo madaxweynaha cusub ee kooxda Joan Laporta uusan qarin rabitaankiisa ah inuu qiimeeyo dhammaan xulashooyinka uu haysto.

Ugu dambeyntiina, toddobaadyo kaddib markii saxaafadda la isla dhexmarayay kursiga tababarenimada kooxda, madaxweyje Laporta ayaa xaqiijiyay in Koeman uu kusii nagaan doono diiwaanka kooxda xilli ciyaareedka soo aadan Iyadoo hubanti la’aantii jiratay ay haatan dhammaatay, balse Xavi wuxuu fursad u helay inuu la fariisto kooxdii uu inta ugu badan waayihiisa kubbada-cagta cayaaryahan ahaan uu kusoo qaatay si uu ugala hadlo inuu noqon karo macalinkooda xiga.

“Nasiib wanaag ama nasiib darro waxaan Barcelona ku iri maya laba jeer, duruufo kala duwan awgood: qoys, xirfadle iyo qandaraasle, ”ayuu yiri.

“Dabcan aad ayayna u adkeyd maxaa yeelay waxaan ahay taageere Barcelona ah, laakiin ma ahayn waqtigii saxda ahaa.”

Abdihakim Olad

Read Previous

Arsenal Oo Wadahadallo Kula Jirta Ruben Neves

Read Next

MURUG:Da’yarkii Hore Ee Kooxda AC Milan Seid Visin Oo Nafta Isdhaafiyay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?