Wesley Fofana Oo Farriin U Diray Taageerayaasha Kaddib Sawirkii Uu Xirnaa Maaliyadda Arsenal Ee Baraha Bulshada Qabsaday

Daafaca kooxda Leicester City Wesley Fofana ayaa farriin u diray jamaahiirta kooxda Liecester City kaddib markii uu baraha bulshada kasoo muuqday sawir isaga oo xidhan maaliyada kooxda Arsenal.

Xiddiga reer Faransa ayaa xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay oo cajiib ahaa ku qaatay Premier League-ga kaddib markii uu kasoo dhaqaaqay kooxda St Etienne oo uu kaga yimid heshiis ku kacaya 35 milyan oo euro xagaagii hore.

Daafacan-dhexe ayaa wadar ahaan ciyaaray 28 kulan oo Premier League ah, inkastoo uu bil ku maqnaa dhaawac horraantii sannadka.

Fofana wuxuu kamid ahaa kooxdii kor u qaaday koobkoodii ugu horreeyay abid ee FA Cup, isagoo ciyaaray 90 daqiiqo oo buuxda kulankii ay 1-0 kaga badiyeen Chelsea finalkii ka dhacay Wembley Stadium.

Daafacan ayaa haatan la tacaalaya dhaawac sababay in uu ka baxo garoonka billowgii kulankii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka oo ay la ciyaarayaan kooxda Tottenham.

Intii uu ku riyaaqayay fasaxiisa xagaaga, sawir Fofana oo xiran funaanadda Arsenal ayaa ka soo muuqday baraha bulshada, taas oo ay jawaab fardad leh ay ka bixiyeen taageerayaasha Gunners iyadoo kuwa Leicester na ay aad uga caroodeen oo facelinno cadheysan ay ka dhiibteen.

Muxuu Ka Yiri Sawirka?

“Waa hagaag jaallayaal. Waxaa i khiyaaneeyey qaar ka mid ah asxaabteydii hore oo xiran maaliyada Arsenal, ”ayuu ku qoray Twitter-ka.

“Waxaa la igu sawiray funaanada. Sida iska cad ma aanan ka fikirin in ciyaar saaxiibtinimo iyo kaftan ku uu ku dambayn doono baraha bulshada.”

“Waan ka xumahay taageerayaasheena waxaanan ka careysanahay ragga fursada u helay inay sameeyaan xanta xun.

“Waan ka xumahay dhammaan asxaabta Arsenal, wax dhibaato ah kuma qabo casaanka laakiin kaliya buluugga ayaa qalbigayga ku jira. ”

Abdihakim Olad

Read Previous

Suuqa: Saxiixa United Ee Sancho, Tartanka Wijnaldum – Barca & PSG, Roma Oo Diiradda Saaratay Xhaka iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa.

Read Next

Arsenal Oo Wadahadallo Kula Jirta Ruben Neves

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?