Suuqa: Saxiixa United Ee Sancho, Tartanka Wijnaldum – Barca & PSG, Roma Oo Diiradda Saaratay Xhaka iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa.

Kooxda Manchester United ayaa qarka u saaran iney £81.5 milyan kula soo saxiixato garabka reer England Jadon Sancho, oo ay heshiiska shaqsiga ah la gaareen waxaana uu kaga soo biirayaa dhanka kooxda Borussia Dortmund ee dalka Jarmalka (Mirror)

Heshiiskaas ayaa ka dhigan in kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester City ay jeebka ku shuban doonto 11 milyan oo ginni oo ku kici soono iibkiisa kaddib markii ay ka qeyb ka qhayd horumarkii Sancho markii uu ku jiray akaadeemiyadooda. (Mirror)

Barcelona ayaa ka fiirsaneysa inay dalab hormaris ah u dirto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Netherlands Georginio Wijnaldum, oo 30 jir ah, kaasoo qarka u saaran inuu kaga tago Liverpool si bilaash ah, kaddib markii Paris St-Germain ay meesha ka saartay dalabkii hore ee Barca. (Marca – Isbaanish)

Daafaca middig ee kooxda Atletico Madrid Kieran Trippier, oo 30 jir ah, ayaa u sheegay asxaabtiisa reer England inuu si aad ah u doonayo inuu ugu biiro Manchester United xagaagan. (Mirror)

Tottenham ayaa u weecaneysa inay wadahadalo la billoowdo tababaraha Ajax Erik ten Hag, kaddib markii uu burburay u dhaqaaqistoodii Antonio Conte. (Mirror)

Duncan Ferguson ayaa diiday inuu qeyb noqdo shaqaalaha tababarka ee Real Madrid ee uu hoggaaminayo macalin Carlo Ancelotti sababtoo ah wuxuu doonayaa inuu noqdo tababaraha kooxda Everton. (The Sun)

Kooxda West Ham ayaa kalsooni ku qabta in macalinkeeda David Moyes uu saxiixi doono qandaraas cusub oo waqti dheer ah kaddib wadahadalo ay la yeesheen 58 jirkan tababaraha ah, kaasoo lala xiriirinayay inuu ku laabanayo Everton. (Football)

Haddii Barcelona aysan dhameystirin saxiixa Wijnaldum iyo weeraryahanka reer Holland Memphis Depay isbuuca soo socda, waxay sii adkeyn kartaa heshiisyada ay ku iibineyso ilaa afar cayaaryahan. (Sports)

Toddobaadka soo socda Barcelona ayaa waxay u fidin doontaa heshiis kordhin dheer cayaaryahankooda Ilaix Moriba, oo qh 18-jir qadka dhexe u dhashay dalka Spain kaasoo hal sabno uga harsan yahay qandaraaskiisa haatan waxaana lala xiriirinayaa kooxaha Manchester City iyo Manchester United. (Marca)

Tababaraha cusub ee Roma Jose Mourinho ayaa doonaya inuu la saxiixdo mid ka mid ah seddexda bartilmaameed ee diirada u saaran: Goolhayaha Tottenham Hugo Lloris, midka Juventus Wojciech Szczesny, ama goolhaye Rui Patricio oo Wolves ah. (La Gazetta dello Sport – af Talyaani)

Xiddiga reer Switzerland ee Granit Xhaka, oo 28 jir ah, ayaa weli ah bartilmaameedka koowaad ee Roma ee khadka dhexe ah. (Corriere dello Sport – af Talyaani)

Abdihakim Olad

Read Previous

Aston Villa Oo Arsenal Ku Garaacday Kubbad-Sameeyihii Bartilmaameedka U Ahaa

Read Next

Wesley Fofana Oo Farriin U Diray Taageerayaasha Kaddib Sawirkii Uu Xirnaa Maaliyadda Arsenal Ee Baraha Bulshada Qabsaday

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?