Arsenal Oo Wadahadallo Kula Jirta Ruben Neves

Kooxda kubbada-cagta ee Arsenal ayaa billowday inay ka shaqeyso heshiis ay Emirates Stadium ku keeneeyso ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Wolverhampton Wanderers Ruben Neves.

Tababaraha Gunners Mikel Arteta ayaa isha ku haya inuu keeno ugu yaraan hal ciyaaryahan oo khadka dhexe ah marka uu furmo suuqa kala iibsiga, waxaana laga yaabaa inuu u baahdo inuu raadsado wajiyo cusub, gaar ahaan xilli xiddiga khadka dhexe ee reer Switzerland ee Granit Xhaka lala xiriirinayo kooxda Roma.

Yves Bissouma oo u safta kooxda Brighton ayaa la ogyahay inuu Gunners u yahay bartilmaameed waqti dheer, The Times ayaa sheegaysa in Neves lagu soo daray diiradda kooxda isla markaana durbaba ay 24 jirkan wadahadalo la fureen.

Sida ay majaladda 90min markii ugu horeysay shaaca laga qaaday bishii Abriil, Neves ayaa loo ogolaan doonaa inuu ka tago Molineux xagaagan haddii uu u yimaado dalab dhan £ 35 milyan, iyadoo milkiilayaasha Wolves ay doonayaan inay yareeyaan qarashka ay ku bixinayaan kooxda taa badalkeedana ay lacag ka helaan iibka ciyaartoyda.

Manchester United ayaa si dhaqso leh loogu wargaliyay xaaladda Neves haddana Arsenal ayaa ku soo biirtay kuwa xiiseeynaya, iyagooo dareemay fursad ay kula soo saxiixan karaan xiddig lagu qiimeeynayay 80 milyan oo euro kaliya laba sano kahor oo haatan lagu heli karo ku dhowaad kala bar tiradaas.

Abdihakim Olad

Read Previous

Wesley Fofana Oo Farriin U Diray Taageerayaasha Kaddib Sawirkii Uu Xirnaa Maaliyadda Arsenal Ee Baraha Bulshada Qabsaday

Read Next

Xavi Oo Shaaca Ka Qaaday Inuu Iska Diiday Shaqada Tababarenimo Ee Barca Markale

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?