Waa Maxay Rikoorada Uu Sameeyay Ruben Dias Kaddib Markii Loo Doortay Xiddiga Sannadka Ee Premier League-ga?

Daafaca Manchester City Ruben Dias ayaa loo magacaabay cayaaryahanka ugu fiican xilli ciyaareedkii 2020-21 ee Premier League-ga.

Cayaaryahanka reer Portugal, oo City kaga soo biiray Benfica bishii Sebtember ee sannadkii hore, ayaa kusoo baxay kaalinta koowaad kaddib codbixin dadweyne oo lasameeyay iyadoo lagu daray kuwa 20 kabtan kooxeed iyo guddi khubaro ah oo kubbada-cagta ah.

Dias ayaa ah keliya daafaca afaraad ee ku guuleystay abaalmarintan, kaddib daafaca Manchester United Nemanja Vidic, kabtankii hore ee City Vincent Kompany iyo daafaca Liverpool Virgil van Dijk. Sidoo kale waa ciyaaryahanka labaad ee reer Portugal ee ku guuleysta abaalmarinta xiddiga sannadka ee Premier League-ga kaddib Cristiano Ronaldo, kaasoo United kula guuleystay xilli-cayaareedyadii 2006-07 iyo 2007-08.

Xiddigan ayaa abaalmarintan ku garaacay xiddigaha kala ah Kevin De Bruyne, Bruno Fernandes, Jack Grealish, Harry Kane, Mason Mount, Mohamed Salah iyo Tomas Soucek oo dhammaantood tartanka kula jiray.

Abdihakim Olad

Read Previous

Barcelona & Arsenal Oo Ku Raadjooga Weeraryahan Yuri Alberto

Read Next

Aston Villa Oo Arsenal Ku Garaacday Kubbad-Sameeyihii Bartilmaameedka U Ahaa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?