Real Madrid Iyo Barcelona Oo Isku Heysta Daafac U Cayaara Manchester City

Dambeedkan-dhexe ee Manchester City ayaa xirxiranaya boorsooyinkiisa iyadoo kooxda reer England loo arko inay diyaar u tahay inay iska iibiso, sida ay qoreyso Mundo Deportivo.

Daafaca kooxda Manchester City Aymeric Laporte ayaa lagu soo waramayaa inay raadinayaan saxiixiisa kooxaha Real Madrid iyo Barcelona. Sida ay qoreyso Caught Offside.

Manchester City ayaa diyaar u ah inay kala baxaan Laporte maadaama ay haystaan boosas badan oo daafaca dhexe ah ayna u baahan yihiin lacag ay ku dheelitiraan miisaaniyadda kooxda. Waxaa intaa dheer, in 27 jirkan la sheegay inuu jeclaan lahaa inuu ku laabto La Liga.

Kooxda Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay diyaarineyso qandaraas cusub oo waqti dheer ah oo ay ka saxiixanayso daafac John Stones, kaasoo laga doorbiday Laporte, waxaana uu dambeedyada-dhexe ee kooxda uu kula mataanoobay Ruben Dias, taas ayaa dhalisay xiisaha kaga imanaya Real Madrid iyo Barcelona oo ku tartamaya saxiixa xiddigan.

Aymeric Laporte ayaa markiisii ugu horreeysay u saftay xulkiisa Spain kaddib markii uu dhalashadiisa kasoo badashay Faransiiska, kulankii ay barbarro 0:0 isla dhaafi waayeen xulka Portugal.

Xiddigan ayaa horay ugasoo cayaaray horyaalka Spain ee La Liga isagoo ka tagay kooxda Athletic Bilbao si uu ugusoo biiro kooxda City sannadkii 2018.

Abdihakim Olad

Read Previous

Casaankii Ugu Dhaqsiyaha Badnaa Taariikhda Kubbadda-cagta Iyo Sidda Layaabka Leh Ee Lagu Bixiyay

Read Next

PSG Oo Iskudayeysa Inay Barcelona Ka Afduubato Saxiixa Wijnaldum

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?