PSG Oo Iskudayeysa Inay Barcelona Ka Afduubato Saxiixa Wijnaldum

Kooxda kubbada-cagta ee Paris St-Germain ayaa isku dayaysa inay afduubato saxiixa xiddiga khadka-dhexe ee naadiga Liverpool Giorginio Wijnaldum kaasoo si weyn loola xiriirinayo kooxda Barcelona.

Paris Saint-Germain ayaa dalab xilli dambe ah ka gudbisay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Liverpool Georginio Wijnaldum si ay isugu dayaan inay ka joojiyaan inuu ku biiro Barcelona.

PSG ayaa la dareensanyahay inay Wijnaldum usoo bandhigtay heshiis uu mushahar badan ku qaadanayo sannadkii si ay usoo jiitaan dareenkiisa uuna usoo weecdo dhankooda.


Barca ayaa xiddigan ceyrsaneysa 12 bilood ilaa haatan, waxaana ay kula jiraan wadaxaajood qoto dheer iyagoo rajeynaya inay ka dhigaan saxiixoodii seddexaad ee xor ah xagaaga, kaddib Sergio Aguero iyo Eric Garcia oo dhanka City kaga yimaaday balse waxay haatan tartan adag kala kulmayaan kooxda PSG marka uu furmo suuqa kala-iibsiga cayaartooyda xagaaga.

Abdihakim Olad

Read Previous

Real Madrid Iyo Barcelona Oo Isku Heysta Daafac U Cayaara Manchester City

Read Next

Bale Oo Laga Yaabo Inuu Cayaaraha Ka Fariisto Kaddib Tartanka Qaramada Yurub

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?