Barcelona & Arsenal Oo Ku Raadjooga Weeraryahan Yuri Alberto

Kooxaha Barcelona iyo Arsenal ayaa ku raad jooga 20-jirka weerarka kaga ciyaara kooxda Internacional ee Yuri Alberto, sida laga soo xigtay Globo Esporte.

Cayaaryahankii hore ee kooxda Santos ayaa dhowrkii sanno ee la soo dhaafay diirada u saarnaa kooxaha yurub, waxaana lagu soo waramayaa inuu sarre u kacay qiimihiisa suuqa.X

Xiddigan ayaa lagu qiimeeyaa adduun lacageed gaaraya 18 milyan oo ginni.

Globoesporte ayaa ku waramaya in Barca ayaa tartan adag kala kulmeyso Gunners oo isha ku heysa inay keensato xiddigan si ay ugu xoojiso weerarkeeda iyadoo la filayo inay dhowaan dalab ‘macquul ah’ gudbiyaan markii ugu horreeysay.

Gunners iyo Blaugrana ayaa 20-jirkan indhe-indheen ku hayay taniyo xilliyadiisii kooxda Santos ee dalkiisa Brazil waxaana uu weeraryahankan labadoodaba u noqon karaa xiddig waxbadan kusoo kordhiya safkooda oo leh hibo cajiib ah.

Abdihakim Olad

Read Previous

Bale Oo Laga Yaabo Inuu Cayaaraha Ka Fariisto Kaddib Tartanka Qaramada Yurub

Read Next

Waa Maxay Rikoorada Uu Sameeyay Ruben Dias Kaddib Markii Loo Doortay Xiddiga Sannadka Ee Premier League-ga?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?