Bale Oo Laga Yaabo Inuu Cayaaraha Ka Fariisto Kaddib Tartanka Qaramada Yurub

Gareth Bale ayaa shaki galiyay mustaqbalkiisa kaddib markii uu laba jeer ka gaabsaday fursaddo uu ku beenin karay wararka sheegaya inuu ciyaaraha ka fadhiisanayo kaddib finalka Koobka Qaramada Yurub xagaagan.

Toddobaadkii hore wakiilka Bale, Jonathan Barnett, ayaa ku tilmaamay “maalaayacni” warbixin lagu daabacay wargeyska Isbaanishka ee ABC ee ahayd in xilli walba uu macmiilkiisu ka fariisan karo kubbada-cagta.

31 jirkaan ayaa qandaraas kula jira Real Madrid ilaa dhammaadka xilli ciyaareedka soo socda isagoo kooxda ka qaata £ 600,000 toddobaadkii. Laakiin kabtanka xulka Wales, oo hadda dhammeeystay amaahdiisa kooxda Tottenham, ayaa diiday inuu beeniyo inuu cayaaraha ka fariisan karo kaddib Euro 2020.

“Markii la weydiiyay inuu caddeeyo inuu ka fikirayo inuu howlgab noqdo, Bale wuu qoslay wuxuuna ku jawaabay: “Haa, waa hagaag. Waa mid ka mid ah qorshooyinka. Sidii aan sheegayba, Waan fadhiisan doonaa Euro-ga kaddib waxaanan go’aansan doonaa waxa aan doonayo inaan sameeyo. Waxaan rabaa inaan wax walba ku bixiyo Euros isla markaana aan geliyo wax walba oo aan jeclaan karo inaan ku sameeyno kulan kasta. Haddii aan wax idhaahdo markaa waxay uun sababi doontaa xitaa xasarad intaa kasii badan markaa wax macno ah ma leh.”

Abdihakim Olad

Read Previous

PSG Oo Iskudayeysa Inay Barcelona Ka Afduubato Saxiixa Wijnaldum

Read Next

Barcelona & Arsenal Oo Ku Raadjooga Weeraryahan Yuri Alberto

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?