Thomas Tuchel Oo Heshiis Kordhin U Sameeyay Kooxda Chelsea

Tababaraha kooxda kubbada-cagta ee Chelsea Thomas Tuchel ayaa qandaraas cusub u saxiixay kooxda Blues isagoo qalinka ku duugay heshiis Stamford Bridge kusii heynaya ilaa sannadka 2024ka.

Macalinka Jarmalka ayaa shaqada ka beddelay halyeeygii hore ee kooxda Frank Lampard bishii Janaayo, isagoo Chelsea ku hoggaamiyay finalka FA Cup iyo afarta sarre ee Premier League iyo ku guulleeysiga koobka kooxaha Yurub ee UEFA Champions League.

Kaddib billoowgiisii guulaha ee waqooyiga London, Tuchel ayaa lagu abaal mariyay heshiis cusub oo kooxda kusii heeynaya 3 sanno oo dheeri ah.

“Ma qiyaasi karo xaalad heshiis la kordhiyo oo ka wanaagsan middan. Aad baan ugu faraxsanahay qibraddan waana ku faraxsanahay inaan qoyska Chelsea qeyb kasii ahaado. ” ayuu Tuchel u sheegay websiteka rasmiga ah ee kooxda.

Abdihakim Olad

Read Previous

Bayern Munich Oo Ku Dhow Saxiixa Bartilmaameedkii Kooxda Liverpool

Read Next

Barcelona Oo Iska Iibineysa Xiddig £86 Milyan Ku Qiimeeysan- United, City Iyo Chelsea Ayaa Xiiseeynaya

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?