Real Betis Oo Wadahadalo La Yeelatay Hector Bellerin

Kooxda ka cayaarta La Ligaha dalka Spain ee Real Betis ayaa xiiseyneysa Saxiixa dambeedka middig ee kooxda Arsenal Hector Bellerin waxaana ay la yesheen wadahadalo ku aadan suurtagalnimada uu ugu dhaqaaqi karo, waa sida shabakadda GOAL ay ku waramayso.

Bellerin ayaa xor u ah inuu ka tago Arsenal xagaagan kaddib wadahadalo uu la yeeshay macalin Arteta, waxaana uu raadinayaa xulashadiisa kaddib in ka badan toban sano oo uu ku sugnaa waqooyiga London

Waxsoosaarkii hore ee akadeemiga Barcelona ayaa u furan inuu dib ugu laabto Spain waxaana shabakadda Goal loo sheegay in wakiiladiisa ay wadahadalo la yeesheen Betis Arbacaddii si ay ugu dhaqaaqaan.

Laakiin qodobka ugu weyn ee caqabad ku noqon kara ayaa ah in Real Betis ay dooneyso inay heshiis amaah ah kula soo saxiixato Bellerin, halka Arsenal ay dooneyso inay iska iibiso daafacan – kaasoo labo sano ay uga harsan tahay qandaraaskiisa – si looga helo lacag aad looga baahan yahay miisaaniyadda xagaaga.

Ilo wareedyo laga helayo Spain ayaa sidoo kale sheegaya in, xitaa haddii Betis ay heshiis la geli karto Arsenal, ay u arkaan wax aan macquul aheyn inay daboosho mushaharka uu haatan ka qaato Emirates oo ah ku dhowaad £ 3.5 milyan xilli ciyaareedkii.

Gunners ayaa fileysa inay dhowr ciyaartoy ka tagayaan xagaagan, laakiin waxay doonayaan heshiisyo si dhaqso ah loo xalliyo iyadoo Mikel Arteta uu doonayo inuu dib u habeyn balaaran ku sameeyo kooxdiisa.

Abdihakim Olad

Read Previous

Man United Oo Qarka U Saaran Saxiixa Jadon Sancho

Read Next

Bayern Munich Oo Ku Dhow Saxiixa Bartilmaameedkii Kooxda Liverpool

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?