RASMI: Kooxda Sannadka Horyaalka Premier League-ga Oo La Shaaciyay

Kooxda Manchester City ayaa cayaartooy badan ku yeelatay kooxda sannadka ee Premier League-ga, iyadoo kooxda heysata horyaalka Premier League ay lix ciyaaryahan safka uga jiraan.

City ayaa laga dhaliyay kaliya 32 gool xilli-ciyaareedka oo dhan Premier League-ga, iyadoo ay taasi cadeeyn u tahay daafacooda adag waxaana liiska kooxda sannadka ugasoo muuqday saddex daafac iyo goolhayaha kooxda.

De Bruyne ayaa kamid ah xiddiga labaad ee kaliya ee kooxda sannadka kasoo muuqday labadii xilli-cayaareed ee ugu dambeeysay waxaa sidoo kale khadka-dhexe ee kooxda sannadka ku wehliya saaxiibkiis İlkay Gundogan oo isna soo qaatay xilli cayaareed cajiib ah.

Mohamed Salah waa ciyaaryahanka kaliya ee Liverpool ee kooxda sannadka qeyb ka ah.

Man United ayaa shaxda ku yeelatay 2 cayaaryahan iyadoo Bruno Fernandes iyo Luke Shaw labaduba ay qeyb ka noqdeen shaxda.

Tottenham ayaa sidoo kale 2 cayaaryahan shaxda ku yeelatay waana Harry Kane iyo Heung-min Son.

HALKAN HOOSE KA EEG SHAXDA SANNADKA EE HORYAALKA PREMİER LEAGUE-GA 2020-21

Ederson (Man City); Cancelo (Man City), Stones (Man City), Dias (Man City), Shaw (Man Utd); De Bruyne (Man City), Gundogan (Man City), Fernandes (Man Utd); Salah (Liverpool), Kane (Tottenham), Son (Tottenham).

Abdihakim Olad

Read Previous

Barcelona Oo Iska Iibineysa Xiddig £86 Milyan Ku Qiimeeysan- United, City Iyo Chelsea Ayaa Xiiseeynaya

Read Next

Casaankii Ugu Dhaqsiyaha Badnaa Taariikhda Kubbadda-cagta Iyo Sidda Layaabka Leh Ee Lagu Bixiyay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?