Man United Oo Qarka U Saaran Saxiixa Jadon Sancho

Manchester United ayaa wadahadalo kula jirta kooxda Borussia Dortmund waxayna qarka u saaranyihiin inay ugu dambayn heshiis ka gaaraan saxiixa garabka reer England ee Jadon Sancho, oo ah laacib safka hore kaga jiray qorshooyinkooda labadii sano ee la soo dhaafay.

Sancho ayaa kasoo kabsaday qaab cayaareedkii liitay ee qeybtii hore ee xilli ciyaareedkii 2020/21 ee Dortmund si uu qeybta dambe ugu dhammeeysto 36 gool iyo caawin isagu jira 38 kulan oo tartamada oo dhan ah, halka uu haatan door weyn ku yeelan karo xulkiisa Ingiriiska Euro-ga.

Xaqiijinta garabka middig ayaa weli ahmiyada koowaad u leh suuqa kala iibsiga United xagaagan. 21 jirkaan Sancho ayaa muddo dheer loo arkaayay inuu yahay musharaxa ugu habboon oo ee suuqooda xagaaga..

Haddii United iyo Dortmund ay heshiis ka gaaraan saxiixa xiddigan, Red Devils ayaan waqti badan ku bixin doonin si ay saxiixiisa usoo bandhigto. Waa Sida ay la tahay GOAL.

Abdihakim Olad

Read Previous

Arsenal Oo Iska Fasaxday 9 Cayaaryahan – David Luiz iyo Odegaard Baa Kamid Ah

Read Next

Real Betis Oo Wadahadalo La Yeelatay Hector Bellerin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?