Bayern Munich Oo Ku Dhow Saxiixa Bartilmaameedkii Kooxda Liverpool

Kooxda Bayern Munich ayaa qarka u saaran inay dhammeystirto heshiis 80 milyan oo ginni ah oo ay kula soo saxiixaneyso ciyaaryahanka khadka dhexe ee Atletico Madrid Saul Niguez xagaagan,

Atletico waxay dooneeysaa inay dib u maalgelin doonto ku dhowaad kalabar heshiiskii ay kula soo saxiixan laheyd kabtanka Udinese Rodrigo De Paul si uu beddel ugu noqdo xiddigan ka cayaara bartamaha garoonka.

In kasta oo uu saxeexay heshiis sagaal sano ah sannadkii 2017 oo ay weli shan sano oo kale uga harsantahay, mustaqbalka Saul ee Atletico ayaa noqday mid aan la hubin toddobaadyadii u dambeeyay.

Xiddiga reer Spain ayaa loo tixgeliyaa mid ka mid ah khadka dhexe ee ugu sarreeya Yurub tan iyo sannadkii 2015 oo uu hibadiisa kusoo bandhigay kooxda 1aad ee Atletico, waxaana hore loola xiriiriyay kooxaha Manchester United iyo Juventus iyadoo kooxda Liverpool ay tahay kooxdii ugu dambeeysay ee xiiso u muujisa xiddigan.

Abdihakim Olad

Read Previous

Real Betis Oo Wadahadalo La Yeelatay Hector Bellerin

Read Next

Thomas Tuchel Oo Heshiis Kordhin U Sameeyay Kooxda Chelsea

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?