Barcelona Oo Iska Iibineysa Xiddig £86 Milyan Ku Qiimeeysan- United, City Iyo Chelsea Ayaa Xiiseeynaya

Kooxda Barcelona ayaa diyaar u ah inay iska iibiso Ilaix Moriba xagaagan iyadoo ay xiiseynayaan kooxo badan oo ka dhisan Premier League-ga

Manchester United, Manchester City iyo Chelsea ayaa la sheegay inay ka mid yihiin kooxaha xiiseynaya 18 jirkan qandaraaska uu kula jiro kooxda ka dhisan La Liga ay u harsan tahay hal sano oo qura – iyadoo qandaraaskiisa haatan lagu burburin karo £ 86m.

Warbixin hore oo ka soo baxday Mundo Deportivo ayaa sheegatay in Manchester United ay ‘dalab adag’ ka gudbisay ciyaaryahanka khadka dhexe kaasoo lagasoo diiday laakiin waxa ay u muuqataa in mowqifka Barca laga yaabo inuu isbeddelay.

Moriba wuxuu ku riyaaqay ololihii kala-baxa 2020/21 ee uu 18 kulan u saftay kooxda koowaad ee Barca, isagoo dhaliyay goolkiisii ugu horreeyay ee waayihiisa kooxda 1aad.

Abdihakim Olad

Read Previous

Thomas Tuchel Oo Heshiis Kordhin U Sameeyay Kooxda Chelsea

Read Next

RASMI: Kooxda Sannadka Horyaalka Premier League-ga Oo La Shaaciyay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?