‘Sidee Ku Dhacdaa’ – Taageerayaasha Arsenal Oo Ka Falceliyay Waxa Koox Cadowgooda Ay Qorsheyneyso

Sida laga soo xigtay The Telegraph, Aston Villa ayaa isha ku heysa inay u dhaqaaqdo xiddiga kooxda kubbada-cagta eebArsenal Emile Smith Rowe kahor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga xagaaga.

Kaddib markii ay Gunners ka qaateen goolhaye Emi Martinez sannadkii hore, kooxda macalin Dean Smith ayaa diyaar u ah inay markale dukaameeysi la sameeysa Arsenal.

Smith Rowe wali laba sano ayaa uga harsan qandaraaskiisa Arsenal. Wuxuuna kamid ahaa xiddigihii bandhigayada wanaagsanaa ee Gunners xilli ciyaareedkii 2020-21 ee Premier League-ga.

Arsenal ayaa wadahadallo kula jirtay da’yarka khadka-dhexe ee weerarka ah isbuucadii ugu dambeeyay. Xitaa wariyaha aadka looga dambeeyo arrimaha suuqa ee Fabrizio Romano ayaa daaha ka qaaday dhawaan in wadahadaladan ay si wanaagsan u socdaan.

Aston Villa waxay ku duceysanayaan in da’yarka reer England uu diido dhammaan qandaraasyada loo soo bandhigo, haddii ay taasi dhacdana, waxay diyaar u yihiin inay dalab ka gudbiyaan xagaagan.

Taageerayaasha Arsenal kuma farxin xantaas, waxayna walaac ka muujiyeen iskudeygan ay Aston Villa ku dooneeyso mid kamid ah xiddigahooda soo koraya ee hibada leh.

Falcelinta taageerayaasha Arsenal

” Sidee ku dhacdaa @AVFCOfficial”
” Wey Iska Riyoon Karaan”
“Naga Taga, Waa wiilkeena”
” Horyaalka waxay ku joogaa keliya qaladaadka VAR haatanna waxay isku maleeyaan inay lasoo saxiixan karaan cayaartooy safka 1aad ee Gunners ah”

Abdihakim Olad

Read Previous

Arsenal Iyo Inter Oo Qeyb Ka Ah Kooxaha Ku Tartamaya Tartanka Florida Cup Ee Xagaaga

Read Next

Ronaldo Oo U Wareegaya PSG Halka Mbappe Uu U Dhaqaaqayo Real Madrid

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?