Maxaa Ka Jira Wararka Sheegaya In Manchester City Ay Diyaar U Tahay Inay Iska Iibiso Bernardo Silva? – Waa Maxay Sababta?

Kooxda Manchester City ayaa dooneysa inay iska iibiso xiddigeeda khadka-dhexe ee Bernardo Silva xagaagan iyagoo ku fikiraya inay hal-abuurkan ku bedeshaan gooldhaliye saafi ah, sida ay qortay The Telegraph.

Inkastoo Bernardo uu door muhiim ah ka ahaa safka macalin Pep Guardiola, hadana kooxda waxaa kasoo muuqday kubbad-sameeyeyaal badan oo khadka dhexe ee weerarka iyo garabka ka ciyaara. xilli kooxdu way ka khafiifsan tahay afka hore iyadoo bixitaanka Sergio Aguero ay sii jilcin doonto weerarkooda.

Natiija ahaan, Bernardo ayaa laga iibin karaa koox kale oo weyn oo Yurub ah iyadoo lacagta laga helo iibkiisa ay City ku maalgelin doonto xiddig weeraryahan ah sida Erling Haaland.

Abdihakim Olad

Read Previous

Aabaha Aguero Oo Qirtay Xiisaha Wiilkiisa Kaga Yimid Arsenal Iyo Chelsea Isagoo Guardiola Ku Dhaleeceeyay Inaanu Si Wanaagsan Ula Dhaqmin

Read Next

Arsenal Oo Wadahadalo Kula Jirta Ninkii Soo Indhe-indheeyay Hibada Kylian Mbappe – Balse Real Madrid Ayay Tartan Kala Kulmeysaa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?