‘Markii Saddexaad’- Rigooradii Uu Benzema Qasaariyay Kulankiisii Ugu Horreeyay Ee Xulka 6 Sanno Kaddib

Karim Benzema ayaa saftay kulankiisii ugu horreeyay ee xulkiisa Faransiiska muddo ku dhow lix sano markii uu qeyb ka noqday safka 1aad ee kulankii saaxiibtinimo ee dhexmaray xulka Wales, laakiin soo laabashadiisa waxaa ku jiray xoogaa niyad jab ah kaddib markii uu rigoore qasaariyay qeybtii hore ee kulanka.

Xiddiga Real Madrid ayaa lagu soo daray liiska xiddigaha xulka Faransiiska uga qeyb galaya Euro-ga, kaddib markii uu muddo 6 sanno ah ku maqnaa musaafuris la xiriirta fadeexo g*lmo ah oo la xiriirta saaxiibkiis Mathieu Valbuena.

Benzema ayaa ku soo billowday kulanka isagoo ka garab ciyaarayay Kylian Mbappe iyo Antoine Griezmann Arbacadii – labadoodaba waxay dhaliyeen goolal, si la mid ah Ousmane Dembele – iyadoo Faransiiska ay 3:0 kaga adkaatay xulka Wales.

Rigoorada Uu Qasaariyay Benzema

Bartamihii qeybtii hore, Faransiiska ayaa lagu abaalmariyay rigoore markii daafaca Wales Neco Williams lagu ciqaabay kubbad uu gacanta ku taabtay oo uu kaga horjoogsaday fursad gool ah isagoo ku jira xarada ganaaxa waxaana la tusay kaarka cas ee kulanka.

Benzema ayaa u dhaqaaqay dhanka rigoora tuurista isagoo darbadiisa ka dhigay dhinaca biddix ee hoose, laakiin goolhaye Danny Ward ayaa sameeyay badbaadin fiican si uu u beeniyo weeraryahankan.

Karim Benzema ayaa haatan seegay mid kasta oo ka mid ah seddexdii rigoore ee ugu dambeysay ee xulka Faransiiska uu u laado.

Abdihakim Olad

Read Previous

‘Kane Miyuu Durbaba Dhaqaaqay?’ – Son Oo Jawaab Ka Bixiyay Xaaladda Harry Kane

Read Next

Man United Oo Lagu Garaacay Tartanka Saxiixa Sulemana

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?