Man United Oo Lagu Garaacay Tartanka Saxiixa Sulemana

Kooxda kubbada-cagta ee Ajax ayaa Manchester United kala wareegtay tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka Nordsjaelland, Kamaldeen Sulemana, sida ay qortay Football Insider.

Labada naadi ayaa loollan adag ugu jiray ciyaaryahanka reer Ghana, oo 19 jir ah toddobaadyadii la soo dhaafay, waxayna labadooduba kooxdiisa kaga wadahadleen heshiis.

Sulemana, oo ku soo biiray Nordsjaelland bishii Febraayo ee sannadkii hore, ayaa dhaliyay toban gool, waxaana uu caawiye ka ahaa 7 gool 28 kulan oo uu u saftay kooxda reer Denmark xilli ciyaareedkii dhawaa ee lasoo gabagabeeyay.


Xiddigan u dhashay wadanka Ghana ayaa la filayaa inuu kooxdiisa ka dhaqaaqo xagaagan, waxaana ay u badantahay inuu u dhaqaaqo Netherlands kahor inta uusan talaabo u qaadin Premier League.

Abdihakim Olad

Read Previous

‘Markii Saddexaad’- Rigooradii Uu Benzema Qasaariyay Kulankiisii Ugu Horreeyay Ee Xulka 6 Sanno Kaddib

Read Next

Bayern Munich Oo Dhageysaneysa Dalabyada Bartilmaameedka Kooxda Chelsea, Niklas Sule

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?