‘Kane Miyuu Durbaba Dhaqaaqay?’ – Son Oo Jawaab Ka Bixiyay Xaaladda Harry Kane

Heung-min Son ayaa ka jawaab celiyay wararka la isla dhexmarayo saxaafadda ee sheegaya in Harry Kane uu doonayo inuu ka tago Tottenham xagaagan.

Weeraryahankan cajiibka ah ayaa la sheegayaa inuu riixayo inuu ka weecdo Spurs isagoo ku haminaya inuu u dhaqaaqo meel uu koobab ku guuleeysan karo.

Kooxaha horyaalada Yurub oo dhan ayaa lagu soo waramayaa inay si wada jir ah u soo bandhigayaan dalabyo soo jiidasho leh, laakiin ma jiraan dalab rasmi ah oo la soo gudbiyay ilaa iyo haatan.

Son Muxuu Yiri?

Markii la weydiiyay arrimo la xiriira ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England, Son oo South Korea u dhashay ayaa u sheegay suxufiyiinta: “Kane miyiu durbaba dhaqaaqay?”

“Wax walba lama go’aansan. Halkii aan ka walwali lahaa arrimaha kala-wareegistaankiisa, waxaan ku sameynayaa sida ugu fiican Tottenham.”

“Waxaan rabaa inaan diirada saaro xulka qaranka iyo Tottenham, malaha Kane ayaa sidaas oo kale sameynaya, wuxuu ku mashquulsan yahay isku diyaarinta Tartanka Qaramada Yurub”.

Abdihakim Olad

Read Previous

Suuqa: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala-iibsiga |03-Juun-2021

Read Next

‘Markii Saddexaad’- Rigooradii Uu Benzema Qasaariyay Kulankiisii Ugu Horreeyay Ee Xulka 6 Sanno Kaddib

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?