Arsenal Oo Wadahadalo Kula Jirta Ninkii Soo Indhe-indheeyay Hibada Kylian Mbappe – Balse Real Madrid Ayay Tartan Kala Kulmeysaa

Kooxda Kubbada-cagta ee ARSENAL ayaa wadahadalo kula jirta shaqaalaysiinta agaasimihii hore ee isboortiga Lille Luis Campos, sida ay sheegayaan wararka.

Ninkan, oo sidoo kale la rumeysan yahay inay dooneyso Real Madrid, ayaa wuxuu agaasime ka ahaa kooxda kubbadda-cagta Monaco markaasoo uu soo ogaaday hibada Kylian Mbappe uuna usoo saxeexay kooxda reer Faransa.

Labada kooxood ee Arsenal iyo Real Madrid ayaa haatan la rumeysan yahay inay xiiseynayaan inay helaan adeega 56 jirkaan, inkastoo aysan cadeeyn haddii loo shaqaaleysiin doono agaasime kubbadeed ama indha-indheeye.

Kaddib markii uu soo maamulay sagaal koox oo ka dhisan dalkiisa hooyo ee Portugal, Campos waxaa lasoo saxiixday tababarihii Real ee markaas Jose Mourinho isagoo ahaa indhaaindheeye iyo falanqeeye sannadkii 2012.

Kaddib wuxuu ka tagay Real hal sano kaddib isagoo noqday aggaasimaha kubbada-cagta ee Monaco wuxuuna gacan ka geystay dhisida koox ugu dambeynti ku guuleysatay Ligue 1-ka Faransiiska sannadkii 2017 oo uu Kylian Mbappe qeyb ka ahaa.

Isaga oo hagaya kooxda Faransiiska ayaa sidoo kale lasoo saxiixatay cayaartooyda kala ah Radamel Falcao, Fabinho iyo Bernardo Silva.

Xilligii uu maamule ka ahaa kooxda Gil Vicente, Campos wuxuu caan ku noqday inuu ka adkaado Mourinho kooxdiisii Porto si uu u soo afjaro 27-kulan oo guuldarro la’aan ah.

Abdihakim Olad

Read Previous

Maxaa Ka Jira Wararka Sheegaya In Manchester City Ay Diyaar U Tahay Inay Iska Iibiso Bernardo Silva? – Waa Maxay Sababta?

Read Next

Arsenal Oo Iska Fasaxday 9 Cayaaryahan – David Luiz iyo Odegaard Baa Kamid Ah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?