Aabaha Aguero Oo Qirtay Xiisaha Wiilkiisa Kaga Yimid Arsenal Iyo Chelsea Isagoo Guardiola Ku Dhaleeceeyay Inaanu Si Wanaagsan Ula Dhaqmin

Weeraryahanka khibradda badan ee reer Argentina ayaa si bilaash ah ugu biiray kooxda Barcelona, ​​iyadoo ay soo martay fursado uu ku sii joogi lahaa Ingiriiska isagoo xiiso ka helay 2 kamid ah kooxaha ugu awooda badan horyaalka Premier League-ga.

Aabaha dhalay Sergio Aguero ayaa shaaca ka qaaday in kooxaha Arsenal iyo Chelsea ay muujiyeen xiisaha ay u qabaan saxiixa wiilkiisa, halka uu sidoo kale ku dhaleeceeyay Pep Guardiola qaabkii uu ula dhaqmay weeraryahankii hore ee Manchester City.

33 jirkaan weerarka ka ciyaara ayaa ka tagay City isagoo noqday ciyaaryahanka ugu goolasha badan taariikhda kooxda, waxaana uu ciyaaryahanka reer Argentine uu doorbiday inuu burburiyo qandaraaskiisa isla markaana uu si bilaash ah ugu dhaqaaqo Barcelona halkaasoo uu doorbiday si uu uga garab cayaaro xiddiga ay isku xulka yihiin ee Lionel Messi.

MUXUU AABAHA AGUERO KA YIRI GUARDIOLA?

Markii la weydiiyay haddii uu aamisan yahay inay dhab tahay ilmada Guardiola ka timid, aabaha Aguero ayaa wuxuu yiri: “Ma aaminsani Guardiola, isagu waligiis ma uusan dooneynin, wuxuu doonayaa inuu noqdo isagu mar walba ugu horreeyo koox walba uu tago”.

“Weligiis si wanaagsan ulama dhaqmin, sidoo kale aniga iyo walaalihiisaba.”

“Guardiola waa tababare weyn laakiin maalin ka maalin ayuu u badalaa ciyaartoyda, jawiga wuu is badalaa. Marna ma ogaan kartid inaad bilow tahay iyo inkale, wuxuu yiri lama beddeli karo isaga laakiin hadana kooxda kuma jirin.”

Aguero wuxuu u diiwaangaliyay City 260 gool 390 kulan oo uu saftay.

Dadaalladaas waxay ka caawiyeen Sky Blues shan horyaal oo Premier League ah, lix League Cup ah iyo 1 FA Cup oo ay ku guuleysteen.

Awooddooda Yurub ayaa noqotay mid aan muuqan, iyadoo waayihiisii Etihad Stadium uu kusoo dhammaaday niyadjab maadaama guuldarro ay kasoo gaadhay kooxda Chelsea fiinaalkii Champions League ee sannadan 2021.

Abdihakim Olad

Read Previous

RASMI: Inter Oo U Magacaawday Inzaghi Beddelka Conte

Read Next

Maxaa Ka Jira Wararka Sheegaya In Manchester City Ay Diyaar U Tahay Inay Iska Iibiso Bernardo Silva? – Waa Maxay Sababta?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?