Suuqa: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala-iibsiga Cayaartooyda( 2- Juun – 2021 )

SUUQA-MAANTA: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala-Iibsiga
  • Manchester City iyo Paris Saint-Germain labaduba waxay muujiyeen xiisaha ay u qabaan Messi laakiin wuxuu umuuqdaa inuu heshiis 2 sanno ah u kordhinayo kooxda Barcelona sida ay ku waramayso AS. FAAHFAAHINTA AQRISO.
  • Wargeyska COPE ayaa sheegaya in tababaraha cusub ee Real Madrid Carlo Ancelotti uusan isku deyi doonin inuu James Rodriguez kasoo kaxeeyo kooxdiisii hore ee Everton.
  • The Sun ayaa qortay in Arsenal ay hoggaamineyso tartanka loogu jiro saxiixa Raheem Sterling oo ka tirsan Manchester City.
  • The Sun ayaa sidoo kale sheegtay in heshiis kasta oo Sterling ah oo uu ugu dhaqaaqayo Arsenal inay caqabad ku noqon karto qorshayaasha Manchester City ee saxiixa Harry Kane ee Tottenham, waxayna doonayaan inay u adeegsadaan xiddigan heshiis is dhaafsi ah maadaama ay Spurs qiimo sare ku dooneyso Harry Kane.
  • Manchester United ayaa isha ku heysa daafaca Sevilla Jules Kounde laakiin Barcelona ayaa kusoo biirtay baacsiga loogu jiro saxiixiisa, sida ay qortay Mundo Deportivo.
  • Everton ayaa suuqa ugu jirta tababare cusub kaddib markii uu si lama filaan ah uga tagay Carlo Ancelotti.
  • TalkSPORT ayaa sheegaysa in tababarihii hore ee Wolves Nuno Espirito Santo uu sidoo kale diirada u saaran yahay kooxda Everton.

Abdihakim Olad

Read Previous

RASMI: Messi Oo Ogolaaday Inuu Heshiiska U Kordhiyo Barcelona

Read Next

Arsenal Mise Real – Martin Odegaard Oo Shaaca Ka Qaaday Halka Uu Doonayo Inuu Ka Cayaaro Xilli-cayaareedka Dambe

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?