RASMI: Messi Oo Ogolaaday Inuu Heshiiska U Kordhiyo Barcelona

Lionel Messi ayaa qarka u saaran inuu iska indho tiro xiisaha kooxaha Manchester City iyo Paris Saint-Germain isagoo doorbidaya inuu sii dheereysto joogitaankiisa Barcelona.

Warar la isla dhexmarayay saxaafadda ayaa soo jiitamayay muddo bilooyin ah waxaana ay ku saabsanaayeen mustaqbalka Lionel Messi kaddib xilli-cayaareed isbeddel ah oo uu ku qaatay Barcelona.

Barca ayaa ku mashquulsaneyd inay safkeeda xoojiso xilli ciyaareedka soo aadan, iyadoo lasoo saxiixatay Sergio Aguero iyo Eric Garcia.

Sergio Aguero oo Messi ay isku qaranka yihiin ayaa ka codsaday xiddiga reer Argentina inuu kordhiyo joogitaankiisa Barcelona, waxayna u muuqataa in weeraryahankan uu heli karo rabitaankiisa.

Xiddiga lixda jeer ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or ee Lionel Messi ayaa qarka u saaran inuu qalinka ku duugo qandaraas cusub oo labo sano ah oo uu kula sii joogayo Barcelona, sida laga soo xigtay AS.

Weeraryahanka reer Argentina ayaa oraah ahaan u ogolaaday heshiiska, isagoo kaliya sugaya “faahfaahinta” ku saabsan heshiiskan cusub si uu ficilka saxeexa u sameeyo.

Manchester City iyo Paris Saint-Germain labaduba waxay muujiyeen xiisaha ay u qabaan Messi laakiin waxay u muuqataa inuu Blaugrana sii joogayo ilaa sannada 2023ka.

Abdihakim Olad

Read Previous

5ta Cayaaryahan Ee Ugu Cadcad Abaalmarinta Kabta Dahabka Qaaradda Yurub

Read Next

Suuqa: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala-iibsiga Cayaartooyda( 2- Juun – 2021 )

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?