Liverpool : Saul Niguez Oo Lala Xiriirinayo Inuu Ku Biiro

Kooxda kubbada-cagta Liverpool ayaa lala xiriirinayaa inay u dhaqaaqdo cayaaryahanka khadka dhexe ee Atletico Madrid Saul Niguez xagaagan.

Sida laga soo xigtay Majaladda Empire Of The Kop, Reds ayaa miisaameysa inay u dhaqaaqdo cayaaryahankan heerka caalami u safta dalka Spain.

Warbixinta ay daabacday Majaladda oo sii socota ayaa sheegeysa in ciyaaryahanka khadka dhexe lagu heli karo 40 milyan oo ginni isla markaana uu haatan ku dhow yahay sannadkii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa kooxda.

Saul Niguez ayaa 22 kulan kusoo billoowday La Liga isaga oo ka caawiyay kooxdiisa Atletico Madrid in ay Real Madrid iyo Barcelona ku garaacdo horyaalka La Liga sannad cayaareedka 2020-21.

Abdihakim Olad

Read Previous

Man United Oo Lasoo Saxiixanaysa Kieran Trippier

Read Next

Maxaa dhexmaray Kante Iyo Griezmann Kaddib Guushii Champions League-ga?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?