Gavi: Hibada Mustaqbalka Khadka Dhexe Ee Barcelona

Horumarka ay muujiyeen Frenkie de Jong iyo Pedri, xilli ciyaareedkii 2020-21 ugu yaraan wuxuu soo bandhigay rajo ah in mustaqbalka khadka dhexe ee Barcelona uu ku wajahanyahay meel wanaagsan.

Kaddib bixitaankii Xavi Hernandez iyo Andres Iniesta, Blaugrana waxay ku dhibtooday inay hesho hal-abuurnimo looga baahan yahay bartamaha garoonka si gacan loo siiyo Lionel Messi iyo saaxiibadiisa weerarka.

Labada cayaaryahan ee haatan aanu kor kusoo xusnay waxay ahaayeen dabcan wax soo saarka La Masia oo ah akaadeemiga kooxda Barcelona, halka Frenkie De Jong iyo Pedri ay yihiin kuwo ay soo iibsadeen, xitaa haddii labadoodaba lagu iibsaday da’yar Blaugrana ayaa wax ka beddeli karta oo sheegan karta kobcinta tayadooda haatan.

Si kastaba ha noqotee, waxaa jira hibo khadka dhexe ah oo runtii kasoo ifbaxay Catalunya oo laga yaabo inuu kusoo bilowdo line-upka kooxda 1aad ee Camp Nou sannadaha soo aadan.

Pablo Martin Paez Gavira, oo loo loo yaqaan Gavi ayaa ah 16 jir leh tayo aad u sarreeysa leh kana soo isbaxaya akaadeemiga Barca ee La Masia.

Waa cayaaryahan khadka-dhexe ah oo ku cayaara labada lugood farsamo badan, kubbad-qaabeeye ah.

“Waxaan ahay ciyaaryahan leh farsamo, fudud oo yimaada aagga ganaaxa,” ayuu yiri isagoo ka hadlaya cayaartiisa.

Gavi ayaa aad uga horreeya asaagiisa marka ay timaado horumarkiisa taasoo ka dhigtay mid la hadalhayo oo tayadiisa ay muuqato.

Wuxuu horey ugu soo ciyaaray kooxda Barcelona ‘B’ heerka seddexaad ee kubbada-cagta Isbaanishka, balse tayadiisa aadka u sarreeysa ee haddana sii kobceysa daraadeed ayaa marka uu 17 sanno jirsado bisha Ogoosto, waxaa la filayaa inuu xubin ka noqdo kooxda 1aad ee Barcelona.

Halkan Hoose Ka Daawo Goos-gooska xiddigan.

Abdihakim Olad

Read Previous

Xiddiga Ay Isku Heystaan Real, United iyo Barca Oo La Ogaaday Qiimaha Lagu Heli Karo

Read Next

Man United Oo Lasoo Saxiixanaysa Kieran Trippier

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?