Conte Oo Wadahadallo Kula Jira Tottenham Hotspur

Tababare Antonio Conte ayaa wadahadalo horumar leh Tottenham kula jira si uu ula wareego shaqada tababarenimo ee kooxda, Goal Italy ayaa sheegeysa .

Tababaraha reer Talyaani ayaa ka tagay shaqadiisii tababaranimo ee Inter kaddib markii uu kula guulaystay horyaalka Serie A xilli ciyaareedkii 2020-21 waxana ay u muuqataa in uu haatan ku laaban doono Premier League kaddib laba sano oo uu Chelsea kusoo qaatay sannadkii 2016kii.

Waxaa sidoo kale la fahamsan yahay in aggaasimihii hore ee isboortiga Juventus Fabio Paratici uu sidoo kale wadahadalo kula jiro Spurs, iyadoo 48 jirkaan uu horey Conte ula soo shaqeeyay Juve.

Haddii wadahadalada Conte iyo Spurs uu si hagaagsan u qabsoomo durbaba, saacadaha soo aadan ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo.

Abdihakim Olad

Read Previous

Maxaa dhexmaray Kante Iyo Griezmann Kaddib Guushii Champions League-ga?

Read Next

Arsenal Iyo Inter Oo Qeyb Ka Ah Kooxaha Ku Tartamaya Tartanka Florida Cup Ee Xagaaga

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?